Sifan Xasan: Gabadhii kuftay ee haddana kaalinta koobaad ka gashay tartanka orodka

Sifan Xasan oo heysata dhalashada dalka Holland ayaa ku hammineysa in ay taariikh reebto ayna qaaddo koobka oroddada ee 1500m, 5,000m iyo 10,000m.

Sifan, oo 28 sano jir ah kuna dhalatay dalka Itoobiya, ayaa dardar cajiib ah la soo baxday iyadoo guuleysatay xilli wakhtiga uu ka harsanaa 14 daqiiqo iyo 36.79mirir, balse waxay u muuqataa inay u baahatay caawinaad yar si ay u tagto xariijinta ugu dambeysa.

“Haddii uusan jirin kafee weligey ma noqon lahayn qof u tartama olimbikada,” ayay ku kaftantay.

Jadwalka adag ee Sifan wuxuu ka dhigan yahay in muddo siddeed maalmood gudahood ah ay ka qeyb geli doonto tartanka oroddada ay masaafaddoodu dheer tahay.

Tartankii oroddada masaafada 1500m ee ay shalay ka qeyb gashay, waxay la timid dardar hor leh kaddib markii ay kuftay iyadoo markaas uun gambaleelka la yeeriyay, si degdeg ah ayay u soo kacday waxayna ku guuleysatay tartanka.

“Ma rumeysan karo. Aad bay u adkeyd markii aan kufay,” ayay tiri. “Markii aan dhacay waxaan ku qasbanaaday in aan kaco waxaana dareemay in aan ku bixinayay tamar badan. Ma rumeysan karin wixii aan ka dareemayay lugaheyga. Waxaan u qaatay inay awoodda oo dhan iga tageyso.”

“Aad ayaan u daallanaa. Kafeega la’aantii ma noqon lahayn qof ka qeyb gala tartanka olimbikada. Waxaan u baahnaa qaxwada!” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Gabadha Kenya labada jeer u qaadday koobka ee Hellen Obiri ayaa iyaduna billad qalin ah heshay, halka Gudaf Tsegay ay noqotay qofka saddexaad.

Markii uu tartanka dhammaaday tartamayaasha kale waxay iska tageen, balse Sifan ayaa socodka sii wadatay.

Sifan waxay heysataa waqti yar oo ay isugu diyaariso tartanka orodka ee wareeg-dhammaadka labaad ee ay masaafadiisu tahay 1500m, kaas oo dhacaya berri oo Arbaco ah.

Waxay ku guuleysatay koobabka 1500m iyo 10,000m.

Waxaan raacay wixii qalbigeyga uu doonayay

Markii ay ku dhawaaqeysay go’aankeeda ah in ay u tartanto in mar saddexaad ay billad dahab ah ku guuleysato, ayay Sifan ka warbixisay waxa ku dhiirri geliyay.

“Aniga ahaan, waa ii muhiim in aan raaco qalbigeyga,” ayay tiri. “Inaan sidaas sameeyo ayaa aad iigala qiimo badan billadaha dahabka ah. Taasi way i dhiirrigelisaa waxayna iga dhigtaa qof ku raaxeysanaya waxaan ka qabto cayaarahan quruxda badan.”

Xigasho: BBC Somali