Shir wada tashi ah oo ay Muqdisho ku yeesheen DF iyo Maamul Goboleedyada Dalka

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa Maanta gudoomiyay kulan wada tashi ah oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

Shirka ayaa ku saabsanaa  Qorshaha Horumarinta Qaranka, waxaana sidoo kale shirka ka qeyb galey wasiirka Qorsheynta Abdirahmaan Ayte iyo xubno ka kala socday mamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Mudane Carteh ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in maamul Goboleedyada lagala tashto Qorshaha Horumarinta Qaranka.

maxamed_carte

“Qorshaha Horumarinta Qaranka waa mid dalka oo idil loo sameeyay, waxa inaga galay wakhti, maal, fikir, iyo xooggeenna si looga midho-dhaliyo looguna guuleysto qorshe u sameynta dalka. Maanta waxa aan isugu nimid in aan u gogol-xaadhno dhameystirka iyo ansixinta QHQ. Sidaa darteed waa muhiim inaad talooyinkiina ku biirisaan si uu uga tarjuma baahida ka jirta dhammaan gobolada dalka’’.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Wasiirka Wasaradda Qorsheeynta Qaranka iyo Wasiirrada Wasaaradaha Qorsheeynta ee maamul Goboleedyada, wuxuuna ku bogaadiyay wada shaqeeynta ka dhaxeysa.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.