Shir looga hadlay arrimaha doorashooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Gudoonka Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayay dardargelinta  doorashooyinka Aqalka hoose.

Kulankaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating, gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhegey, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan  Xaamud iyo Gudoomiyaha Guddiga heer Qaran ee doorashooyinka 2020-ka Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo yareey”.

jawaari_iyo_kaite

Keating oo kulankaasi ka hadlay kulanka ayaa sheegay iney muhiim tahay dedejinta doorashooyinka, isagoo tilmaamay in muhiim ay tahay in la soo dhameystiro doorashooyinka Aqalka hoose.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Avv. CUmar Dhegeey ayaa ka warbixiyay xaaladda doorashada iyo heerka ay iminka marayaan, isagoo tilmaamay in doorashooyinku ay imminka marayaan heer gabagabo ah.

shirka-doorashadda

Kulanka ayaa looga dooday sidii loo hagaajin lahaa doorashooyinka loona soo dhameystiri lahaa xubnaha Aqalka hoose si ay u doortaan guddoon Baarlamaan kadibna Madaxweyne ay u doortaan.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.