Wasiirka khayraadka biyaha Somaliland oo kulan la yeeshay masuuliyiinta hay’ada NIRAD ee dalka Denmark

Hargaysa – (warsoor) – Xili Ay dalka ka Taagan yihiin Abaaro Baahsan oo Aafeeyey Dad iyo Duunyoba isla markaana ay gabaabsi noqdeen Roobabkii Curan jiray Xiliyadani Xukuumaduna ay ku mashquulsanayd La Tacaalida dadka Abaaaruhu Saameeyeen Ayaa dhanka Kale waxaa Ay wasaarada Khayraadka Biyaha ee Somaliland oo Uu Gadhwadeen ka Yahay Wasiirka Wasaaradaasi Baashe Cali Jaamac waxaa ay Dedaal ugu jireen Taaba Gelinta Sidii Looga sii Gaashaaman Lahaa roob La’aanta iyo Abaaraha Bulshada kusoo Noqnoqda.

Wasiirka Biyaha Ayaa isagoo taasi ka duulaya Waxaa uu manta kulan Balaadhan kula Qaatay Xafiiskiisa Magaalada hargaysa Khubaro Ka socday Hayada NIRAD ee ka dhisan Wadanka Denmark kuwaasi oo ay isla gorfeyeen Qaabka ugu Haboon ee Looga Faaiidaysan Karo Biyaha Roobka oo inta Badan ku Shubma Badda halka Qaar kalena ay Dhulka iska galaan.

Kulanka Maanta Hargaysa Ku Dhexmaray Wasiirka Khayraadka Biyaha MD Baashe Cali Jaamac   Iyo Gudida Khubarada Ah ee  Ka Socday Hay’ada NIRAD Ee Dalka Denmark Ayaa waxaa Dhanka kale looga Ka Wada Hadley Oo Labada Dhinac Isla Gorfeeyeen   Sidii Daraasad, iyo Cilmi Baadhis Loogu Samayn Lahaa Dalka Oo Dhan Taas Oo Ku Qotonta Sidii Looga Faa’idaysan Lahaa Biyaha Roobka.

unnamed

Mashruucan Oo Ah Mashruuc Ku Cusub Dalkeena Ayaa Aad Looga Faa’idaysan Karaa Biyaha Roobka Ee Dooxyadu Bada Ku Shubaan.

Mashruucaas Oo Ku Kici Doona Lacag Dhan 3 Milyan Oo Dollar Ka Maraykanka Ah.

Waxaa Inaga Caawin Doona Sanduuqa (African Development Bank) Iyo Sanduuqa (African Water Facility). Waxaana Mashruucan La Daahfuri Doona Insha Allah 15 Dec.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.