Qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne

Beledweyne – (warsoor) – Wararka laga helaayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegayo in maanta halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xarun ay ciidamada AMISOM ee Jabuuti ku lahaayeen galbeedka magaalada  Beledweyne.

qarax-baladweyne

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Illaa iyo hada lama xaqiijin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.