Cali Guray Oo Sheegay in Aanu gudoomiye Faysal Xaq U Lahay Inuu Warqad Si Toosa Ugu Soo Qoro Garabka Jamaal

Hargeysa – (warsoor) – Mujaahid Cali Guray ayaa maanta jawaab ka bixiyey go’aankii garabka Faysal Cali Waraabe ee xisbiga UCID uu shalay ka soo saaray Cali Guray ee ay ku diidanayeen inuu ka mid noqdo shanta xubnood ee garabka Jamaal Cali u soo magacaabay xubnaha qaban-qaabadda shirweynaha aan caadiga ahayn ee UCID.

Cali Guray ayaa sheegay in maxkamadda Sare ee Somaliland ay fartay labada garab ee xisbiga UCID inay si isleeg u soo magacaaban 10 xubnood oo qaban-qaabin doono shirweyne caadi aan ahayn oo loo qabanaayo xisbigasi si loogu kala baxo muranka xisbigaasi ragaadiyey ee muddada jiitamaayey.

Cali Guray ayaa sheegay in maxkamadda sare aanay maxkamaddu ku xidhin shuruuda nooca ay noqonayaan shanta xubnood ee garab kastaaba u soo xulanaayo inay noqdaan xubnaha matalaaya ee qaban-qaabinaya shirweynaha aan caadiga ahayn ee xisbiga UCID.

Mujaahid Cali Guray ayaa sheeegay in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe aanu xaq u lahayn inuu Cali Guray u soo qoro warqada, balse cidda uu qabashadda uu qabo uu u gudbinaayo guddida diwaan-galinta ururadda Siyaasadda Somaliland.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Cali Guray:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.