Qarax Gaadhi oo Lagu Dilay Gaashaanle Sare oo Ka Tirsanaa Ciidamada Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Gaashaale sare oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira xarakadda Al-shabaab ayaa maanta lagu dilay qarax gaadh oo laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa. Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay dhawr qof oo kale waxaana ku dhaawacmay dad kale oo tiro badan.

goobaale

Weerarkan loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey waxaa ku dhintay Janaraal Maxamed Rooble Jimcaale Gobale iyo afar ka mid ah Ilaaladiisa gaarka ah. Weerarkan waxaa masuuliyaddiisa sheegtay xarakadda Al-shabaab.

Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan ciidamada Amaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi, “Qaraxani waxaa uu ahaa mid weyn oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey. Weerarkan waxaa ku dhintay dhawr sarkaal oo uu ku jiray Taliye Sare”.

Dadka goob-joogayaal ah ayaa sheega in gaadhiga gaashaanle Gobale isagoo socda wadda lagu dhugtay gaadhi ka dibna uu qarax weyn dhacay.

Weerarkan ayaa dhacay ka dib markii kolanyo baabuur ah oo uu watay Taliyuhu ay ka soo baxeen cusbitaal milatarigu leeyahay kuwaasi oo ku jihaysnaa wasaaradda Difaaca ee magaaladd Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa dhambaal Tacsi ah u diray qoyska janaraalka ku dhigtay weerarkan Ismiidaaminta ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.