Muqdisho – (warsoor) – Fadhi ay maanta yeesheegeen maamulka gobolka Banaadir oo uu shir gudoominaayey Gudoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray Amar lagu mamnuucaayo in magaaladda Muqdisho lagu qabto mudaharaado ama dibadbaxyo.
Fadhigan ay maanta yeesheen maamulka gobolka banaadir oo ay ka soo qayb-galeen 17-ka gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir. Fadhigan ayaa lag go’aamiyey in aan wax mudaharaado ah lagu qaban Karin magaaladda Muqdisho.
Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo saxaafada uga warbixiyay amarka ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa xusay in la mamnuucay banaan baxyada, isla markaana maamulka tallaabo ka qaadi doono cidii qabata banaan baxyo aan maamulka wax fasax ah looga heysan.
Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Muqdisho Maalmaha soo socda lagu qaban doono Banaanbax looga soo horjeedo Badda Soomaaliya ee doodeeda u dhaxeyso Kenya iyo Soomaaliya.
This post is also available in:
Somali