Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Boorame Xadhiga Kaga Jaray Wershadda Royal Industry ee Furshaanta

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Magaaladda Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal xadhiga kaga jaray  Wershadda Royal Industry oo ah wershad samaysa Noocyadda Furshaanta ee kala duwan, waxaanay noqonaysa wershaddani Furshaantu tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee gobolkaasi laga hirgeliyo baahi wayn oo bulshaddu qabtayna dabooli doonta.

Munaasibad balaadhan oo shalay Huteel RAYS ee Guddaha Magaalo madaxda Xarunta Gobolka Awdal ee Boorame ka qabsoontay, ayaa Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu si rasmi ah xadhiga kaga jaray  Wershadda Royal Industry oo ah wershad samaysa Noocyadda Furshaanta ee kala duwan, waxaana Wershaddani maalgeliyey Ganacsade  Muumin Jaamac Samaale oo ahna mulkiilaha werhsaddaasi, waxaana ka soo qaybgalay xafladda Daahfurka werhsaddani xadhiga looga jaray madax ay ka mid ahaayeen Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Maayarka iyo Badhasaabka Awdal, Xildhibaano Madax dhaqameed, ganacsato, Haween, dhalinyaro, siyaasiyiin iyo guud ahaan hal-doorka iyo labeenta iyo aqoonyahanka Gobolka Awdal, waxaana halka amaan iyo duco looga jeediyey ganacsade Muumin Jaamac oo ALLE looga baryey in uu ku garab galo ganacsigiisa iyo wershaddan bulshadda iyo qaranka Somaliland muhiimka u ah ee uu guddaha dalka ka hirgeliyey.

Muumin Jaamac Samaale oo ah ganacsaddaha iyo  Mulkiilaha waddaniga ee isagu iska leh Werhsaddani Furshaanta ee Royal Industry ee Furshaanta noocyadooda kala duwan soo saaraysa oo ugu horeyn munaasibadda furitaanka Weedho kooban ka jeediyey waxa uu sharaxay sababta wershaddan guddaha dalka uga hirgeliyey iyo muhiimada ay bulshadda reer Somaliland u leedahay waxaanu yidhi “Mashruuca Wershaddani aanu Gobolka Awdal ka hirgelinay waxaanu u sameynay Somaliland gees ilaa gees Wershad kasta oo laga furo Burco ama Laascaanood ama Ceerigaabo ama Boorame gees ilaa gees way gaadha sababto ah Biyaha Burco ayaa inoogu horaysay ilaa Saylac ayeynu ku cabaynaa, maantana Wershadihii way inoo soo bateen Nabadiina way inoo soo badatay , marka kolba wixii inoo soo kordha Alxamdulilaah ayeynu leenahay, waxaana aan rajaynayaa inay Wershaddan aanu hirgelinay ee furshaantu dabooli doonto baahi badan oo dalka ka jirtay”

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isaguna ka mid ahaa madaxdii shirka ka qaybgashay waxa kelmadiisii uu furitaanka Wershadda ka yidhi u dhigneyd sidan “Waxaan leeyahay hambalyo walaalkay Illaahay ha ku sii barakeeyo ganacsigaaga, dalka kalena waxaan leeyahay ee doonaaya inay dalka wax ka sameeyaan ama maalgashi ku sameystaan waa in sida wershado noocan oo kale oo dalkana horumar u sameynaaya dadkana shaqo abuuris u sameynaaya aynu abuurno”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.