Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maxkamadda Sare u Magacaabay Xeer-Ilaaliyihii Dawladda Somaliland

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa digreeto madaxweyne waxaa uu xilkii Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan oo ahaa Xeer Ilaaliyihii Dawladda Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta digreeto madaxweeyne xilkii kaga qaaday gudoomiyihi hore ee Maxkamadda Soomaaliya Caydiid Cabdilaahi Ilka-xanaf.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Garyaqaan Ibraahim Iidle, dhaarinta ka dib  madaxweynaha Soomaaliya ayaa faray Wasaaradda Cadaaladda, Xeer Ilaaliyaha iyo Hayadaha Amnigu Inay la Shaqeeyaan Gudoomiyaha Maxkamadda Cusub ee Soomaaliya.

madaxweynaha_soomaaliya

“Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey’adaha amniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.Waxaan rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, waxaan ku bogaadinayaa guddoomiyaha cusub inuu wajaho tabashooyinbkaas dadku ay qabaan ”, Sidaasi waxaa yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.