Baarlamaanka Soomaaliya oo Dhamaystiray Dooda Ajendaha Hanaanka Doorashadda Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Fadhigii ay maanta oo Arbaca ah yeesheen baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo gunaanaday dooda hanaanka Doorashadda Soomaaliya u dhacayso oo dawladda Federaalka Soomaaliya ay u soo gudbisay baarlamaanka todobaadkan.

Gudoomiye_jawaariFadhigii shalay ee golaha Baarlamaanku yeeshay oo uu shir gudoominayey shalay iyo maantaba Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md. Jawaari ayaa maanta soo afmeeray doodii Hanaanka la doonaayo in doorashadda Soomaaliya loo qabto.

Xildhibaanadda Golaha Baarlamaanka Shacabka Soomaaliyeed ayaa dood dheer ka dhiibtay ajendahan waxanay la soo gunaanaday dhagaysiga afkaarta kala gadisan ee xildhibaanadu ka dhiibtay.

Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka soo xidhay ayaa ku dhawaaqay in la soo gabo-gabeeyey doodii Ajendaha Hanaanka Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2016.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Goluhu uu magacaabi doono Guddi farsamo oo soo diyaariya sharci qeexaya in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorsho dad badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.