Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Beeniyey in loo Diiday Fiisaha Dalka Maraykanka

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka jawaabay warar maalmahan la isla dhex maraya oo sheegaayey in loo diiday fiisaha dalku galka Maraykanka oo la sheegay inuu dalbaday, Muuse ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warkaas.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta hayadda shaqaalaha dawladda xili uu iska soo diwaan-galiyey xaruntaasi ayuu kaga jawaabay hadaladda kurikuteenka ah ee la isla dhex maraayey maalmahan, waxaanu yidhi, “Horta anigu fiise maan doonan, shir la igu casuumayna Maraykanka waaban diiday, sababtaan u tagiwaayeyna waxa weeye hawlahayga halkan yaal baa ka badan, ninka xisbi hoggaaminaya ee dalkiisa abaaro ka jireen ee tan diiwaangelintu ka jirto ee hawsha badan u baahan anigu waan haleelikariwaayey oo labadaa hawlood waan isku kariwaayey, markaa anigaaba codsaday inaan iman karayn oo warqad u qoray.”

DSC_5907
Gudoomiye Muuse Bixii Cabdi ayaa fariin u diray warbaahinta faafiyey warkaasi uu beeniyey waxaanu yidhi,  “Jaraa’idka qorayna waxa laga rabaa inay dadka wax run ah u sheegaan oo wax caddaan ah hayaan xataa tibaaxba ha soo bandhigaan, haddii kale waa niman waawayn oo dadka wax u qorayee yaanay been sheegin, iyagana waa ku ceebe,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Musharaxa madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Maraykanka ay tagi doonaan Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaaan Cadaani iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.