Madaxweynaha Soomaaliya oo Casha shafar u sameeyay Xalay dhiggiisa Eretrea

Muqdisho-(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xalay Casha sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooda Qaranka, dhiggiisa Dalka Eretrea, Isaias Afwerki.

Casha sharafta oo ay kasoo qayb galeen, madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno qayb ka ahaa wafdiga Madaxweyne Afwerki iyo marti sharaf kale, ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ciyaaro Hiddo iyo dhaqan ah, Heeso , Suugaan ka tarjumaysa xiriirka Walaaltinimo ee Labada Dal iyo horumarka ka socda Dalalka Geeska Afrika.

Madaxweyne, Isaias Afwerki, oo shalayto ku yimid Dalka Soomaaliya booqasho Laba Cisho ah, ayaa inta uu jooga Muqdisho waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Dalka ugu sarreysa, iyagoo ka wada hadli doona sidii loo dar-dar gelin lahaa xiriirka is-kaashi ee Waddamada Gobolka.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.