Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Somaliland ee Dubia

Dubai – (warsoor) –  Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay kulan la qaatay jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool magaaladda Dubia, madaxweynaha ayaa ka warbixiyey heshiiska Somaliland la gashay shirkadda Dekedaha ee Dubai.

Madaxweynaha Somaliland oo qudbad u jeediyey dadweynihii ka soo qayb-galay xafladaa oo uu ugu horayn ka hadlay ujeedda uu madaxweynuhu u yimid magaaladda Dubia, waxaanu sheegay , “Arinka aan dubai u joogno waxa weeye heshiiska aad maqasheen ee maalgashiga dekeda magaalada berbera iyo mashaariicda la xidhiidha, heshiiskani waxa uu muhiimad wayn u leeyahay kobaca dhaqaale ka ganacsi iyo horumarka aynu hiigsanayno ee dalkeena”.

Madaxweynaha ayaa albaabadda u furay maal-gashiyadda caalamiga ah waxaanu yidhi, “Siyaasad maalgashiga jamhuriyada Somaliland waxay soo dhawaynaysaa cid kaste oo awood maalgashi leh oo buuxisa xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah ee dalkeena wax u soo kordhinaya dhaqaale, ganacsi dhisme, warshado, beero, dalxiis ka faa’idaysiga badda iyo wixii la mida”.

Madaxweynaha oo u mahadnaqaya masuuliyiintii ay kulmeen waxaanu yidhi, “si garana waxan ugu mahadnaqayaa dawlada iskutaga imaaraadka carabta, madaxda Dubai iyo shirkada Dubai World sidii wacnayd ee ay noo qaabileen iyo qodobadii aan kawada hadlay intii aan ku sugnayn oo an ku kalsonahay inay faa’ido wayn oo la taaban karo u leedahay guud ahaan dadkeena iyo dalkeenaba” sidaasi waxaa yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay soo dhowday xuska sanad-guuradda 25-aad ee gooni isku taaga Somaliland oo uu sheegay in muddada lagu dhisay qaran dhan oo taam ah.

QH6A7131 QH6A5820 QH6A6044 QH6A7212 QH6A7229

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.