Madaxtooyadda oo soo saartay Warbixin Kooban

Hargeysa – (warsoor) – Dabbaal-degga munaasibaddii 26-kii June 2018, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shir-guddoonka guurtida iyo wakiilladu waxay ku caddeeyeen in Somaliland diyaar u tahay xabbad joojin. Xukuumadda Somaliland waxay hore u aqbashay soo jeedinta Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ee xabbad joojinta Tuka-raq, Iyadoo dhulkeedii 70Km gudaha loogu jiro lagulana dagaallamayo xadkeeda.
Ergadii Garoowe tagtay waxay ahaayeen ergo iskood isugu xilqaamay xabbad-joojin, marti-qaadna ka helay dhiggooda Garoowe oo hore u yimi halkan.
Ciidamada Somaliland iyagoo ka duulaya deris wanaagga kana fogaanaya dhiig daata iyo ilaalinta doorka nabadda ayey dulqaad ku deggan yihiin Tuka-raq oo ah gudaha Jamhuuriyadda Somaliland daan-daansi iyo duullaanna may qaadin, xad dal kalena kuma socdaan.
Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana quseeyo Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe.
Dhawaan waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay golaha wakiillada xeerka doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, kaas oo golaha wasiirradu ansixiyeen. Xeerkaasna waxa soo diyaariyey komishanka doorashooyinka qaranka iyadoo ay kala qayb-qaateen axsaabta qaranka, garyaqaanka guud iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Xeerkaas oo golaha wasiirradu ku sameeyeen kaabis iyo wax-ka-beddel ku salaysan qoondada haweenka iyo beelaha gabooye loo asteeyey, xeerkaas kuma qeexna, laguma kordhin, lagumana kaabin saami-qaybsiga kuraasida gobollada ee golaha wakiilada, waxana uu horyaallaa golaha wakiillada, si ay waajibaadkooda dastuuriga uga gutaan, doodda saami-qaybsiga kuraasta goboladda iyo qaabka qaybintiisuna xildhibaanada ka hadlay golaha ay ka tirsan yihiin ayey u taal.
Ugu danbayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Marnaba ma soo jeedin in sidii hore lagu galo doorashooyinka golaha wakiillada, mana shaacin saami-qaybsiga kuraasida gobollada, xukuumaddana waxa ka go’an xaqiijinta geeddiga dimuquraaddiyadda ee doorashooyinka, waxaana xil ka saaran yahay qabsoomidda doorashada oo xilligeedii ku dhacda.
LLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.