Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Muddadii 70-ka casho ahayd ku soo dhamaysay diiwaangelintii shaqaalaha Dawladda

Hargeysa – (warsoor) – Iyada oo Mudooyinkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha dawladdu dalka ka waday  diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ayaa maanta oo ku beegan 1-dii April 2018 si dhamaystiran u soo gebogabawday halkaas oo ay shaqadani ku soo qabsoontay  muddadii loogu talagalay ee 70 ka cisho ahayd.

Hawl-qabadkan oo uu daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi 22-kii January 2018 taasi oo ku beegnayd maalintii uu mudo xileed-kiisu ku buuxay 40cisho ayaa soo gaba-gaboobay maanta oo uu xilka hayo mudo dhan 110 cisho.

Isla maalintaas oo  lagu dhawaaqay in ay hawshani qaadan doonto mudo 70-cisho ah ayaa hay’adda shaqaalaha dawladu gaadhay dhamaan gobolada dalka iyo badiba degmooyinka, halkaas oo ay si aan hagrasho lahayn isla markaana hufan ay u soo kala hufeen dhamaanba shaqaalihii ku sugnaa xarumaha dawladda.

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda oo maanta soo xidhay shaqadaa dalka ka socotay ayaa xusay in ay maalmo kooban siin doonaan dadka u baahan dib-u-eegista ka dibna ay si dhamaystiran u soo afmeeri doonaan 11/Apr/2018.

Waxaa xusid mudan in hawl-qabadkani noqday mid shaqaalaha dawlada lagu diiwaangeliyey qalabka ugu casrisan ee dadka lagu diiwaangeliyo halkaas oo la sawirayey bu’da shaqaalaha dawlada halkaas-na ay ku dhamaatay cid dambe oo laba meelood ka mushaar qaadata halka ay meesha ka saartay cid walba oo isticmaalaysay magac aanu lahayn.

Ugu dambayn Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa bogaadin u diray dhamaanba hawl-wadeenadii kala duwanaa ee hawshan gacanta ku hayey iyo maamuladii gobolada iyo degmooyinka dalka kuwaas oo si dadnimo iyo dawladnimo badan ka muuqato u qaabilay shaqaalihii hawshan gacanta ku hayey.

Gabogabadii ayuu gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda MD Sharmaarke Axmed Muxumed xusay in ay farxad iyo faan u tahay dawlada cusub in ay markii ugu horaysay hawshan baaxada badan dhabarka u ridatay isla markaana ka midho dhalisay mid ka mid ah hawlaha ugu culus ee ay dawladi qabato.

Waakan Guddoomiyaha oo arrinkaa ka hadlaya: 

________________________________________

Rooble Mohamed
Hargeisa, Somaliland
Tell: 0633658649
Twitter: rooble2009
Skype: rooble2009

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.