khasaare ka dhashey miino dad shacab ah kula qaraxday Hiiraan

Hiiraan – (warsoor) – Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ilaa 7 qof ay ku geeriyootay 5 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay degmada Buula-Burde ee Gobolkaasi.

Dadka dhintay ayaa waxaa kujiray hooyo,4 caruur ah oo ay dhashey iyo macalin dugsi,halka kuwa kale oo dhaawacyada soo gaarey ay ahaayeen dad kale oo shacab ah kadib markii qarax miino nuuca dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay halka looga boxo degmada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan,sida uu Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay guddoomiyaha degmadaasi Cabdi Daahir Guure.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dadka uu Qaraxu haleelay ay ka amba baxayeen degmada BuulaBurde,iyagoo kusii jeeday deegaanka Buqaqable ee gobolkaasi Hiiraan,markii gaari darer ay saarnayeen ay miinadaasi la qaraxday,waxaana lagu daweynayaa dhaawacyada xarumaha caafimaad ee kuyaala degmadaasi Buula Burde.

Guddoomiyaha degmada Buuloburde ayaa ku eedeeyey maleeshiyada Alshabaab in ay bilaabeen in qaraxyo ay dhulka ugu aasaan dadka shacabka ah eek u safraya waddooyinka,kadib markii awoodooda hoos ay u dhacday.

 

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.