Hargeysa: Tuug Xabbado Ku Riday Dadkii Eryanayay!

“Hooyo umu eekayn dadkeena ee wuxu u eekaa Dadkan Ethiopia ee laynagu soo habaaray”… Waxa sidaa tidhi Hooyo Waris

Xarunta Degmada Maxamuud Haybe maanta waxa ka dhacday arrin ugub ah oo aan dalka hore uga jirin oo haddaan tallaabo adag laga qaadina dhaxal aan la mahadin ka tagi doonta!

“Waxanu ku sugnayn oo aanu maraynay Waaxda agteeda qofba jiho ayaanu u socday, waxay ahayd 11:00 nadii maalinimo waxa mar qudha dhagahayaga kusoo dhacay Cod oo aad u dheer oo leh ” Waar ii qabta waar ii qabta waar ninkaasi lacag ayuu iga qaaday iyadoo gacanta jihadii uu ka xigayna ku tilmamaysa”, waxanu aragnay nin 30 jir da’diisu ku dhaw dahay oo madaw oo aad u ordaya, waanu ka daba cararnay inyar markii aanu u jirnay ayaa waxay indhahayagu qabteen Gaadhi Mark 2 ah oo Ciidanka Booliska JSL ay leeyihiin oo sarkaal Bilayska ahi watay oo tuuga aad ugu dhow, Kadib Tuugii wuxu lasoo baxay bastoolad waxana uu nagu riday 3 Xabadood oo 2ba uu anaga nagu soo riday hal xabana waxa uu ku riday Gaadhigii iyo Sarkaalkii watay, Illaahay wuu naga nabad galiyay rasaasta si lamid ah Sarkaalkii Booliska ahaana wuu sigtay xabaduna waxay haleeshay muraayada hore ee gaadhiga waliba dhanka dirawalka, Intaa kadib waxa uu ku dhaadhacay tuugii laagta biyaha daadku maraan ee Xaarwada, Fajac iyo Yaab tuug midi sita mooye tuug Bastoolad wata waanu yara hakanay, waxa isla markiiba gaadhiga kasoo dagay Cabdi Jiliil Cali Jamac oo ahaa Sarkaalka gaadhiga watay oo ka daba galay laagtii anaguna waanu dhiiranay oo ka daba galnay, xooga markii laagtii aanu eryanaynay waxa tuugii ka dhacday kiish yar oo midabkiisu buluug yahay hore ayaanu kasii qaadanay waana sii daba arodnay, Waxa uu tuugii ka baxay laagtii markuu gaadhay Buundada hoose ee wadada saylada halkaana wuxuu ka qabsaday gaadhi Vitz ah ama dhaweeye sidaas ayuu nagaga fakaday tuugii hubaysnaa.” Waxa sidaa yidhi dadkii goobta ku sugnaa iyo Sarkaalkii Booliska ahaa…

“Kiishkii ka dhacay tuuga waxa laga helay mobil luqada Amharic ga ay luqada 1aad tahay kuna jiran sim Telesom ah iyo sim Ethiopian a, Mustawaqe iyo waraaqo Afxabashi ah iyo Soodh” Waxa sida xaqiijiyay Cabdi jaliil ….

Somaliland marka hadaba ay Tuugta iyo Dadka ay boobayaan intiisa kale noqoto Tuuga ayaa ka xuquuq iyo xaq ba mudan, sababto ah haddii uu tuug ku dilo adigoo hantidaada iyo Qoyskaaga difaacaya waxaad tahay nin tuug dilay ama ” DAMEER BAKHTIYAY, haddii aad iska difaacdo oo aad kaga horraysana tuugaasi reer Hebel ayuu noqonayaa waana laguu xidhayaa.

Sharci Islaam iyo midkale toona oo aduunkan guudkiisa sidaa qabana ma jiro aan ka ahayn ka halkan Somaliland ka jira “TUUGO GARAB OG” mayaanay ahayn?

Waxay ka dhacday bishii June oo Muwadin reer Hargaysa ah uu tuug Hoygiisa ugu dhacay isla markaana Baange tuugii la beegsaday Illaahay ka nabad geliyay, kadib Muwadinkii uu xabad ku dhuftay tuugii, isagoo naftiisa badbaadinaya. Waxa wallaahi ah Muwaadinkaasi wuu xidhan yahay waxanu uxidhan yahay tuugii daalimka ahaa ee naftiisa iyo maalkiisa kusoo duulay ee uu iska celiyay🤔…

Markay sidaa tahay Isma difaaci kartid waa inaad hantidada isku furata adigoo naftaada ku badbaadinaya kol haddii markaad aad disho lagu dilayo ama 100kiisa illaa aad bixiso aad la xukun iyo xeerba noqonayso Dillaa qof dilay😢.

Allow Allah….

TUUGO GARAB OG🤔 Khaalid Khadar Jaamac

KKJAMA🖋