Gudoomiye Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Oo Sameeyey Magacaabis Xilalka Dalka Gudihiisa iyo Dibaddisa ah

Hargeysa – (warsoor) – Wareegto ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xilal u magacabaay masuuliyiin kala joogta dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sagaal xubnood u magacaabay xilalka: gudoomiye ku-xigeen, xoghayayaal, xoghaye ku-xigeeno, la-taliyayaal. Ka dib markii uu waddatashi la sameeyey xubnaha golaha fulinta ee xisbiga.

Feysal-cali-Waraabe

Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa u dhignayd sidan:

“Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Eng.Faysal Cali Waraabe waxa uu magacaabay xilal dalka gudihiisa iyo debadiisaba ah, ka dib markii uu Latashaday guddida fulinta isla markaana uu arkay baahida loo Qabo buuxinta Jagooyinkan. Waxa uu magacaabay masuuliyantan hoos ku xusan.

       Dalka gudihiisa:

  1. Cabdishakuur maxamed Ismaaciil Ku Xigeenka Xoghayaha Dhalinyarad Iyo Ciyaaraha
  2. Xasan Cabdiraxmaan Warsame Xoghaya Abaabulka iyo Wacyigallainta ee G.Maroodi-jeex.
  3. Saleban Sicid Raygal Gudomiyaha garabka dhalinyarada togdheer
  4. Mukhtaar Maxamed Jamac Xidhiidhiyaha gobolka togdheer
  5. Cumar Ibrahim sicid Xoghayaha dagmada Buuhoodle
  6. Jamaal Ibrahim maxamed la taliyaha gudomiyaha ee arimaha ganacsiga

 Laamaha Dibada:

  1. Aadan Siciid Nuur Ku xigeenka Gudomiya Qaarada yurub
  2. Idiris Axmed Cali (XUBIN) Ku simaha Gudoomiyaha Laanta UK
  3. Cabdi-Maalik Maxamed ducaale Xoghayaha Laanta UK

 

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid

 Eng. Faisal Ali Waraabe”

Xil-magacaabis xisbiga UCID

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.