Gudoomiyaha Guurtida JSL Oo Fariin Ku Saabsan Ka Qayb Qaadashada Doorashada U Diray Guud Ahaan Shacabka Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa shacabka Somaliland u soo jeediyay in ay u diyaar garoobaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka isku sidkan ee bishan May dabayaaqadeeda dalka ka qabsoomi doona.

Saleebeebaan Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyay fadhi uu shirgudoominaayay oo ay yeesheen xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa wuxuu guud ahaan bulshada Somaliland u soo jeediyay in ay ka qayb-qaataan doorashooyinka, waxaanuu gudoomiye Saleebaan bulshada kuw aaniyay in ay dhawraan ammaanka iyo shuruucda u yaal doorashooyinka.

Saleebaan Maxamuud Aadan waxa kale oo xildhibaanda golahaas u soo jeediyay in ay xukuumadda, komishanka iyo xisbiyada qarankankaba kala qayb qaataan dadaalada ku saabsan wacy’gelinta doorashooyinka, si doorashooyinkaasi u noqdaan kuwo ku qabsooma jawi degan oo nabad-gelyo ah.

Ugu dambayn gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland wuxuu ka hadlay dhibaatada ka dhalan karta roobabka maadaama oo la galay xili roobaadkii, waxaanuu u soo jeediyay in ay ka feejignaadaan meelaha biyo mareenada ah iyo dooxyada.