Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo ku xiggeenkiisa labaad oo Danjireyaal Muqdisho kula kulmay

Sidoo kale Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u sii dar dargelin lahaa mashaariicda uu Golaha shacabka ku taageerayo, waxaana waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen ka mid ahaa dib u eegista dastuurka dalka.

ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya iyo diplomaasiyiinta safaaradda ka socda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladdood gaar ahaan dhinaca Baarlamaanada sida uu warbaahinta Qaranka  u sheegay Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.