Doodii Ugu Dambaysay ee Waxay Trump Siisay Fursad Wayn Oo uu Ku Hanto Codbixiyayaasha aan Wali cidna raacin

USA – (warsoor) – Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga jamhuuriga Donal Trump ayaa waajahay loolan siyaasadeed oo ka adag ka dib markii doodii toos ahayd ee dhex martay isaga iyo musharaxadda xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton.

hillary-trump

Donald Trump ayaa isku daayey inuu dib ula soo noqdo kalsoonida codbixiyayaasha oo dhaawac soo gaadhay, waxaanay ay muujiyeen natiijooyinka codbixinaha la qaaday in laga horeeyo meelo badan.

Musharaxan Jamhuuriyga waxaa ragaadiyey eedaymo la xidhiidha inuu dumar iskud ayey inuu ku khasbo rabitaankiisa, balse waxaa uu deedifeeyey inuu arimahaasi wax shuqul ah ku leeyahay, waxaanu sheegay in looga dan leeyahay eedeeymahaasi in doorashadda lagaga reebo.

Doodadan ugu dambaysay ee dhex martay labadda musharax ee Jamhuuriga iyo dimuqraadiga ayaa ka dhacday jaamacadda Las Vegas Nevada, waxaanu doodani fursad u siisay ganacsadahan maalqabeenka ah inuu ka dhaadhiciyo dadka wali aan go’aansan inay cid u codeeyaan inay isaga codka siiyaan ka hor inta aa la gaadhi codaynta oo dhici doonta bisha November 8-da.

“Tani waxay fursadmuhuiim ah u tahay Trump haddii uu doonaay inuu dib ugu soo noqdo tartanka”, sidaasi waxaa yidhi Charlie Black ooo ka mid ah Jamhuuriga, “Waxaa inuu arimaha muhiimka ah uga hadlaa si wax ka ool, oo aanay dul ka xaadin, waxaana looga baahan yahay inuu ka hadlo shaqooyinka”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.