Waxqabadka Xukuumadda yaa iska leh?

Si kooban marka weyddiinta kore looga jawaabo, waxqabadka xukuumadda waxa leh cidda waxqabad la’aanta leh. Sida aanay caqligal u ahayn in eedihii iyo guuldarrooyinkii xukuumadda Kulmiye oo dhan loogu nisbeeyo Xirsi Cali X. Xasan ayaanay caqligal u ahayn inuu waxqabadkii iyo guulihii xukuumadda Kulmiye keligii ku faano, kana xigsado xukuumadda Kulmiye. Haddii se taasi maangal noqoto, waxa iyana maangal ah in dhammaan gefafkii Kulmiye geystay muddadii uu talada hayay loo nisbeeyo isla Xirsi Cali Xasan. Haddii taasi dhacdo, waxa furan in ummaddu la xisaabtanto. Waxa kale oo beenoobaya isbeddalkii uu Waddani ku baaqayay inuu dalka ka hirgalinayo mar haddii kuwii ka masuulka ahaa wax kasta oo Kulmiye lagu eedeeyaa ay maanta calansidayaal ka yihiin isbeddalka Waddani.

Wasiirradu sidoodaba waa adeegayaal madaxweynaha ka kaaliya gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday. Waxay ku hawlgalaan siyaasadda xukuumadda oo ka farcanta barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye. Siyaasaddaas waxa hoggaamiya madaxweynaha qaranka. Wasiirrada waa la magacaabaa, waana la casilaa, laakiin xukuumaddu ma suusho.

Guul ama guuldarro kasta oo xukuumadda Kulmiye dhaliso waxa ku ammaanan ama ku eedaysan Xukuumadda Kulmiye ee Axmed-Siilaanyo gadhwadeenka u yahay. In qof guulahaa sheegto, guul-darrooyinkana uu cid kale ku eedeeyaa waa aragti foorarta. Waddada Ceerigaabo guusheeda waxa leh qaranka Soomaalilaand, waxaana ku hoggaamiyay madaxweynaha Soomaalilaand, Md. Axmed Maxamed. Tani se waxay i xusuusisay tuducyadii Hadraawi ee ahaa:

“Ummadaynta ficilkiyo
INNAGAA ka madhatoo,
Hadba inan qolaystiyo
ANIGAA ku badatee…” Afkusiran, 1997.

In la tartansiiyo oo laba loo kala qaado Kulmiye iyo xukuumaddu waa aragti aan sax ahayn.  Waxqabad kasta oo xukuumaddu hirgalisay waxay ku hirgalisay Barnaamijkii Kulmiye ololaha ku galay 2010 ee lagu doortay madaxweyne Siilaanyo.

Waxaan hadalkii kaga baxay; Taariikhdu qarin mayso waxqabadka ama waxqabad la’aanta Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaamiyo madaxweyne Siilaanyo.

Muhammad Suleiman
Email: halabuur@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.