Ciidanka Booliska oo maanta si rasmi ah ula wareegay Ammaanka Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho

Muqdisho (warsoor), Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska, Asluubta iyo Xoogga dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Dawladda Uganda ee Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socday AMISOM, ayaa maanta kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium.

Masuuliyiintaan, ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee garoonka uu ka kooban yahay, waxaana halkaasi ay kula kulmeen Kumanaan Shacab ah oo banaanbax lagu taageerayey dib u howlgelinta garoonka ku qabtay halkaasi.

Ciidanka AMISOM ,ayaa gabi ahaan maanta ka guuray Garoonka Muqdisho Stadium, waxaana amniga ay ku wareejiyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Daraawiishta.

Munaasabad kooban oo si rasmi ah loogu wareejinayey Ammaanka garoonka Stadium Muqdisho Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa lagu qabtay gudaha garoonka, waxaana halkaasi heeso wadani ah kusoo bandhigay Kooxaha fanka ee Heegan iyo Onkod.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska manta uu si rasmi ah ula wareegay Garoonka Stadium Muqdisho, waxaana uu xusay in Shacabka ay aad ugu farxeen in garoonka ay ka baxaan AMISOM, si dib loogu howl galiyo.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.