Arsenal oo Heshiis Rasmi Kula Soo Wareegtay Difaaca Valencia

Arsenal – (warsoor) – Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay heshiis ay la gashay ciyaaryahanka caalamiga ah ee difaaca ah, Shkodram Mustafa oo u ciyaaraha xulka Jarmalka iyo Kooxda Valencia.

Ciyaaryahanka Mustafa ayaa lagula kala wareegay heshiis dhan £17.1 milyan Pound oo uu ugu wareegay garoonka Emirates. Waxaanu ku ciyaari doonaa lambarka 5 marka uu yimaado kooxda.

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa yidhi, “Waxaa uu ku jiraa dadkii ugu wanaagsanayd, waxaanu leeyahay khibrad fiican.  Waa ciyaaryahan dhoog wanaagsan, waxaanu si fiican ugu ciyaari karaa kubadda. Waxaanu soo qaadanay ciyaaryahan weyn, waxaanse si fiican ugu diyaarinaynaa Mustaqbalka”.

arsenal-shkodran-mustafi-premier-league

Sida ay sheegtay shabakadda SKY ee Jarmalku ciyaaryahankan 24 jirk ahi wuxuu Arsenaal la galay heshiish shan sano ah oo lacagtiisu ay kor u kici doonto ilaa £35 milyan oo Pound.

Ciyaaryahankan ayaan Arselan iman doonin ilaa uu soo dhamaysto ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa dalka Jarmalka u qorshaysan inuu la ciyaaro xulalka Finland iyo Norway 31 August iyo 4 September sida ay ukala horeeyaan.

Tababaraha Arsenal ayaa lagu dhaleeceeyey inuu ka caga jiidaayo inuu xili ciyaareedkan kharash-gareeyo lacago uu ku soo iibsado ciyaaryahano cusub xiligan lagu guddo jiro lala kala wareego ciyaaryahannadda. Balse Wenger ayaa difaacay qorshihiisa waxaanu sheegay in aanay jirin  waxa dheeraad ah oo lagu soo daro kooxdiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.