Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galay xafladda qalin jabinta dufcaddii afraad ee Jaamacada Timcadde

Hargeysa- (warsor) – Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo Wafti uu hogaaminaayey ayaa ka qayb galay xafladda qalan jabinta dufcadii 4-aad ee ka baxda Jaamacada Timacade Gabiley.

DSC_0002

Madaxweynaha oo uu weheliyo Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay qalinjabinta Ardayda Jaamacadda Timacadde ka baxay maanta, waxa kaloo ku wehelinayey socdaalkaasi wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda iyo madax kala duwan oo isugu jira Xildhibaano, guurti, waxgarad iyo waayeel, kana qaybgalay xaflad qurux badan oo loo sameeyey dufcadda afraad ee ardayda ka qallinjabisay shahaadooyinka Degree-ga iyo Diploma-da ee Jaamacaddaasi bixiso taasoo lagu qabtay isla xarunta Jaamacaddaasi ku leedahay magaalada Gabiley.

Weftiga Madaxweynaha waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaannada Gobolka Gabiley, gaar ahaan magaalooyinka Abaarso, Caabudla’, Arabsiyo iyo Gabiley, kuwaasoo boqolaal dadweynaha ku dhaqani ay isugu soo baxeen jidadka iyagoo lulayey caleemo-qoyan iyo calanka Qaranka Somaliland oo ay ku qaabilayeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha Qaranka Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka wershadaha, gudoomiyaha gobolka gabiley, maayarka magaalada gabiley, gudoomiyaha Jaamacada Timacade, iyo Madaxdhaqameedka gobolka ayaa khudbado kala duwan halkaasi uga jeediyey Ardaydii qalinjebisay iyo waalidiintii ka soo qaybgalay munaasibadaas, iyagoo dhamaantoodna iska daba maray hambalyada iyo bogaadinta Ardayda maanta dhamaysay waxbarashadoodii ay mudada soo wadeen.

Madaxweynaha Qaranka Somalilanda Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa yidhi “Aad iyo aad ayey farxad weyn igu tahay inaan idinkala soo qaybgalo maanta xaflada weyn ee qiimaha iyo qaayaha leh ee aynu ugu dabaaldegayno qalinjebinta ardayda ka soo baxday Jaamacada Timacade, waa taariikh weyn waa maalin xusuus mudan, waa maalin qiimo leh, Ilaahay waxan ka baryayaa in ardayda halkan ka qalinjebisay, macalimiintooda iyo kulligoodba inay wax wanaagsan iyo khayr ay la kulmaan, waxanan u rajaynayaa in Alle sidii khayrku ku jiro uu waafajiyo. Farxad weyn ayey ii tahay inaan xafladan ka soo qaybgalo, waxan leeyahay kuwii guulaysta noqda, kuwii dalkooda iyo dadkooda anfaca noqda, Insha Allaahu tacaala, sanadkan iyo sanadka dambeba Alle ha inagu gaadhsiiyo farxad iyo barwaaqo aynu hore ugu talaabsano dal ahaan iyo dad ahaanba. Asalaamu calaykum”

Ugu dambayntii Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa loo gelbiyey guriga martida ee gobolka gabiley kaasoo loogu sameeyey hadhimo sharafeed, waxaanay u soo amba-baxeen dhinaca caasimada hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.