Muqdisho – (warsoor) – Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta ka gooystay Somaliland ee ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ku gacansaydhay saamiga laga siiyey goboladda Waqooyiga golaha sare ee loo samaynaayo dawladda federaalka Soomaaliya.
Siyaasiyiintan iyo salaadiinta ayaa ka kooban Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, 5 wasiir, 6 xildhibaan, 19 suldaan iyo hal Chief caaqil, waxaanay sheegeen in saamiga laga siiyey goboladda waqooyiga ay tahay cadaalad daro, waxaanay si weyn uga qayliyeen in Somaliland oo 5 gobol ka kooban iyo Puntland oo laba gobol iyo badh ka kooban la siiyey saami isku mid ah oo dhan 11 xubnood.
War-murtiyeedkan ay soo saareen Siyaasiyiinta iyo salaadiintan sheegta in ay matalayaan shacbiga iyo dawladda Somaliland ayaa sidan u dhigay bayaankooda:
This post is also available in:
Somali