Madaxweynaha Soomaaliya oo La Dardaarmay Reer Jowhar Kuna Soo Guryo Noqday Muqdisho

Jowhar – (warsoor) – Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay furitaankii shirkii maamul u samaynta goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe ayaa dardaaran u jeediyey madax-dhaqameedkii iyo masuuliyiintii ka soo qayb-galay shirkan.

Shirkan oo noqonaya  kii labaad ee madaxweynaha Soomaaliya uu fura ayaa wali waxaa lagaga arinsanayaa sidii loogu heshiin lahaa maamul u samaynta labada gobol oo la isku khilaafsan yahay saami qaybsiga beelaha waddadan labadan gobol.

madaxweynaha_soomaaliya_shirka_jowhar

Madaxwyenaha Soomaaliya oo ka khudbad ka jeediyey furitaankii shirkaa ayaa sheegay kaalinta ay dawladda federaalku ku leedahay samaynta maamul goboleedka waxaanu yidhi, “Dowladda Federaalka Doorkeedu Waa fududeeye, sharciyeeye iyo in goob-joog ka ahaato dhismaha maamulka labadan gobol, qofkii aan rayiga dadka kale tixgelinna ogaada kiisana lama qaadanayo”.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamud ayaa talo kooban oo macno balaadhan u soo jeediyey madax-dhaqameedka iyo masuuliyiinta labada gobol ee shirka ka soo qayb-gashay waxaanu yidhi, “Talada idinka ayaa iska leh… Reer Hiiraan iyo Reer Shabeellada Dhexe haddii aad tihiin, waqti badan ayaa idin ka lumay, maamulkiinna dhista oo ka qayb-gala talada dalka”.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in sida dadka qaar ay aamisan yihiin in madaxweynuhu uu dan gaar ah ka leeyahay in la dhso maamulka labadan gobol, isagoo hadalladaas ku tilmaamay kuwo aan raad iyo sal lahayn.

Dabayaaqadii sanadkii hore ayaa dawladda federaalka ah iyo masuuliyiin matalaayey goboladda Hiiraan iyo shabeeladda Hoose ay wadda saxeexdeen Hindisaha lagu go’aamiyey in maamul loo sameeyo labadan gobol. Hindisan ayaa la kulmay caqabado badan oo ka yimid dhinac saami qaybsiga beelaha wadda taga laban gobol.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu dhamaystay ka qayb-galkiisa shirka maamul u samaynta goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe ayaa ka soo dhoofay magaaladda Jowhar waxaanu ku soo laabtay magaaladda Muqdisho.

shirka-jowhar1 shirka-jowhar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.