Siyaasi Boobe Yusuf oo Sheegay In Wadda hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay Yihiin Madhalays

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Md. Boose Yuusuf Cabdilaahi ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Hargeysa waxaa uu nafdiyey waddahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya ee dib u bilaabmay.

Md. Boobe ayaa sheegay in waddahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya oo uu dalka Turkiga dhawr jeer ay ka qabsoomeen wax natiijo ahina aanay ka soo bixin sidaasi daraadeed waxaa uu ku baaqay in gabi ahaanba la joojiyo waddahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya u socda.

Boobe_yusufWasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Md. Boobe ayaa naqdiyey masuuliyiinta xukuumadda ee loo diro waddahalada kuwaasi oo uu sheegay in aanay daacad ka ahayn, waxaa ay ku dhoofaanaya uu yahay Baasbooro Ajaanib ah, “Niman tahli waayey ee idhaahda Jamhuuriyaddaanu matalnaa gidigood baasabooro ajaanib ah ayey ku dhoofaan. Waydinkaa arkaya yaryarkii kubadda oo Afqaasiya tagay intaaso dal oo transit ah ayey sii mareen baasaboorkii Somaliland ayey ku safreen”.

“Wadda hadaladaasi waa madhalays weeeye, wax alaale wax ka soo baxayaan ma jiraan weeye, waa Ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis”. Sidaasi waxaa yidhi siyaasi Boobe Yuusuf.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.