Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Khudbado Prof. Axmed I.Samatar Ka Jeediyey Xarunta Dhaqanka

Hargeysa – (warsoor)- Guddoomiyaha xisbul xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay kulan si weyn ay uga soo qayb-galeen dhalinyaradda Jaamacaduhu oo Khudbad aqooneed caawa ka jeedinaayey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan dalka ku soo laabtay.

Kulanka oo caawa ka qabsoomay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxaana ka soo qayb-galay kumanaan dhallinyaro ah aqoonyahan rag iyo dumarba, waxaanna dhallinyartaasi ku wehelinayey madashaasi Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga.

DSC_0332

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar khudbadan caawa waxaa uu sharaxaad dheer ka bixiyey Dhaqanka wanaagsan ee bulshada Soomaalidu leedahay iyo dhinacyada kala duwan ee uu ka kooban yahay. Qudbada oo ahayd mid aad u xiiso badan oo aad ula dhaceen dhalinyaraddii ka soo qayb-gashay madashan, waxaana markii khudbadu dhamaatay ay ka soo qayb-galayaashu Professor-ka waydiiyeen. Khudbaddan iyo su’aalaheeda ayaa socotay muddo saddex saacadeed iyo badh ah.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ku tilmaamay ka soo qayb-galka gudoomiye Muuse khudbadiisan inay qadarin iyo qiimayn uu u sameeyey Guddoomiyuhu tahay, sidoo kalena dhallinyarada aqoonyahanka ee madasha isugu tagtay ayaa rayn-rayn iyo sacab qiimo badan ku qaabilay murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE markii uu goobta tagay.

DSC_7885

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo markii ay dhammaatay muxaadarada aqoonyahan Samatar lagu soo dhaweeyey cod baahiyaha, ayaa hadal kooban uu halkaasi ka jeediyey kaga hadlay ujeeddada uu kulankan uga qaybgalay, waxaannu yidhi “Waxa laga yaabaa in aad iswaydiinaysaan ujeeddadaan halkan u imi caawa, laba ujeeddo oo keliya ayuun baan u nimi oo kala ah; kow, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahankaa wayn oo sidaa uu sheegay aannu isku dugsi ahayn oo haddana aanan weli fursad u helin kulan ama muxaadaro uu jeedinayo ayaan caawa nasiib u helay in aan soo horfadhiisto oo aqoontiisa dhagaysto anigoo la mid ah dhallinyaradaa jaamacadaha. Laba, xaruntan dhaqanka ee uu inoo sameeyey Jaamac Muuse Jaamac oo iyadana in badan aan ku taamayey in aan arko oo ii suurtogashay caawa. Labadaa qodob mooyee wax kale oo ujeeddo ah halkan umaan iman dhallinyarow.”

DSC_7928

Guddoomiye Muuse waxa uu si wayn ugu mahadceliyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar aqoonta qiimaha leh ee uu ka jeediyey kulanka, isagoo sidoo kalena ammaan iyo mahadnaqba isugu daray da’yarta fara badan ee buux-dhaafiyey xarunta dhaqanka Hargeysa.

Md. Muuse Biixi waxa kaloo uu ka hadlay dhaqanka wanaagsan ee ay lahaayeen dadka Soomaalida ahi, gaar ahaan kuwa reer Somaliland iyo isbeddellada ku dhacay ee keenay in dhibaatooyin badani ku dhacaan bulshadeenna.

“Waxase naxdin leh markaad jaraa’id ka akhrido ee maxkamad la soo taago dhawr iyo toban inan (wiil) oo Somaliland ah oo jooga Hargeysa oo inantay (gabadhay) jaarka ahaayeen kufsi ku sameeyey, waxa ka sii xun markay labaatan oday soo dabagaleen ee ay yidhaahdeen ha la sii daayo inamada. Markaa dhaqan-guurka innagu dhacay arrintaasi ayaa ka mid ah ee mutacallimiinta jaamacadaha dhammeeyayow bal ka soo jawaaba waxa innagu dhacay,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

DSC_7898

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.