Shirkadda SOMGAS Oo Markii Ugu Horaysay Geeska Afrika Keentay Markab Sida Gaasta Cuntadda Lagu Karsado

Berbera – (warsoor) – Shirkadda SOMGAS ayaa markii ugu horaysa guud ahaan geeska Afrika gaar ahaana magaaladda Berbera ka hirgalisay kaydka gaaska cuntadda ee ugu wayn, waxaan maalinimadii Jimcaha si toos ah gaas ugu soo shubay markabkii ugu horeeyey ee dalka keena gaas.

Shirkadda SOMGAS ayaa kaydka Gaasta ka hirgalisay magaaladda Berbera sanadkan 2016, waxaana xarunta kaydka gaastu noqonaysaa ta ugu weyn geesk Afrika marka laga reebo terminalka magaaladda xeebeedka Mambaasa ee dalka Kenya.

Maalinimadii khamiista ayaa laga bilaabay tijaabadii ugu horaysay ee lagu shubaayey gaaska terminal SOMGAS ee magaaladda Berbera waxaana ilaa hadda socoto hawsha ku shubista gaasta cuntadda, terminal-ka shirkadda SOMGAS ee magaaladda Berbera.

Guddoomiyaha shirkadda SOMGAS Cabdikarin Xaaji Muuse Muruqliqe ayaa sheegay in shirkadda SOMGAS ay noqotay shirkaddii ugu horaysay ee gayiga Soomaaliyeed ku soo xidha markabkii ugu horeeyey ee GAASTA cuntadda si toos ah ugu shubo dekedda Berbera.

h

“Anigoo ku hadlaya magaca shirkadda SOMGAS waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago, farxad aad iyo aad u balaadhan oo ah in aanu soo istaajinay markabkii u horeeyey ee sida gaasta cuntadda lagu karsado, magaaladda Berbera. Markabkan maanta ayaa lagu shubayaa gaastii, waxaanan insha Allaahu tacaalaa rajaynaynaa in aanu wax badan ka qabano xaalufinta deegaankeena oo runtii xaalufin aad iyo aad u ba’ani ka soo gaadhay dhuxushan iyo dhirtan qoyan ee aynu googooynayno. ”, sidaasi waxaa yidhi Cabdkarin X.Muuse Muruqliqe.

Shirkadda SOMGAS ayaa markii ugu horaysay dalka ka hirgalisay terminalka gaaska ee dalka ugu wayn, gudoomiyaha Cabdikariin Muruqliqe oo arintaasi sharaxaya ayaa yidhi, “Shirkadda SOMGAS waxay dhistay terminalka ugu wayn ee geeskan Afrika laga dhiso, marka laga reebo ka dekedda Mambaasa ee dalka Kenya. Shirkaddani waxay hadh iyo habeen u soo jeeday sidii ay deegaankeena uga badbaadin lahayd xaalufinta ba’an ee lagu hayo”.

Injineerka guud ee haamaha GAAS John oo ka socday shirkadda SKIDTEC ayaa ka hadlay sida uu u arko hawshan lagu guulaystay ee dhamaystirka haamaha gaas ee shirkadda SOMGAS, waxaanu yidhi, “Aad baanu ugu fursaxanay in aanu waddashaqayn la leenahay shirkadda SOMGAS, anaga oo kala shaqaynaynay in aanu samayno mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn kaydka gaaska Somaliland gudaheeda.  Waxaanu sidoo kale ku faraxsanahay in aanu dhigno dhuunta gaaska ka soo qaadaysa Markabka soona dhex dhigno biyaha Somaliland”.i

Shirkadda SOMGAS ayaa noqotay shirkadii ugu horaysay ee geeska Afrika ee samaysa kaydka haama Gaasta dabiiciga ah. Kaydkan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka badali doono noqosha bulshadda Somaliland, sidoo kale uu wax weyn ka tari doono badbaadinta deegaanka oo ay fara-baas ku hayaan qawlaystayaasha dhuxusha oo gumaaday dhirtii iyo kaymihii dalku hodonka ku ahaa.  Waxaanay taasi sababtay inuu dalku galo abaaro daba-dheeraaday oo galaaftay boqolaal kun oo xoolaha laf-dhabarta dhaqaalaha dalka u ah.

Kaydka haama gaaska ee SOMGAS ayaa la filayaa inay bulshadda Somaliland iyo guud ahaan deegaanadda umadda Soomaaliyeed degto inay helaan gaas jaban oo ku filnaanta, taasoo keeni doonta in bulshaddu ka maaranto dhuxushii dhirta lagu dabar-joon jiray.

a j g f e d c b

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.