Guddoomiyaha KULMIYE oo la kulmay La-taliyaha Isuwidda hay’adaha UN-ta

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa kulan la yeeshay la taliyaha isuduwaha haayadaha Qaramadda Midoobay. Kulankan oo ka dhacay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE maanta oo salaasa ah.

Xisbiga KULMIYE ayaa kulankan ka soo saaray war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka xisbiga Xasan Gaafaadhi waxaanu u dhignaa sidan:

dsc_6317

“Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Isu-duwidda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Xafiiska Isu-duwaha UN-ta u qaabilsan Somaliland Mr. Gavin Roy maanta.

Kulankan oo Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi ay ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxay Mr. Gavin Roy ka wadahadleen xaaladda guud ee Somaliland iyo xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu xog-warran ka siiyey masuulkan xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan abaarta iyo halkay marayso oo uu sheegay inay gaadhay meel adag oo xooluhu ay aad u dhimanayaan, halka dadkuna u baahan yahay gurmad cunto iyo biyo lagu badbaadiyo nafahooda, sidaas darteedna Qaramada Midoobay looga fadhiyo inay gacan ka gaysato gurmadkaasi socda.

Madaxda xisbigu waxay tilmaameen in dad badan oo abaartu barokicisay oo xoolihii ka baxeen diyaar u yihiin sidii loogu celin lahaa deegaannadii ay markii hore ka guureen, taasina ay u baahan tahay inay helaan gaadiid ay ku guuraan oo loogu qaybiyo deegaannadii ay hore ugu noolaayeen, kadibna halkaas lagu taro wixii lagu caawinayo, isla markaana aanay habboonayn in la sameeyo xeryo waawayn oo la isugu geeyo dadka si looga hortago xannuuno dhasha iyo xaaluf hor leh oo ku yimaada deegaanka.

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu u soo jeediyey Qaramada Midoobay in qaadhaanka ay siinayso Somaliland kor loo qaado, laguna saleeyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sanno ee Somaliland.

Waxa kaloo uu ka dalbaday masuulkan in tixgelin la siiyo aqoonyahanka iyo dhallinyarada Somaliland ee shaqada ka qaban kara hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalka oo aan dad kale oo ajaanib ah dibadda lagaga keenin.

Dhankiisa, La-taliyaha Isu-duwidda hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland Mr. Gavin Roy waxa uu ku qancay qodobada iyo doodaha ay kala hadleen madaxda xisbiga KULMIYE. Waxaannu xusay inay diyaar u yihiin taageero ay ka gaystaan gurmadka abaarta, isla markaana ay sugayaan qiimaynta xaaladda abaarta oo warbixinteeda xukuumaddu soo saari doonto toddobaadkan dhammaadkiisa.

Waxa kaloo uu soo jeediyey in xidhiidh joogto ah laga wadayeesho wax allaale iyo wixii mucaawanooyin abaarta ku wajahan si looga hortago in dheeli ku yimaado habsami-u-qaybinta taakulada dadka jilicsan.

Guud ahaan kulankaasi waxa uu ku dhammaaday afgarad iyo joogtayda xidhiidhka wadashaqayneed oo loo ballamay.

ALLAA MAHAD LEH.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.