Shirka qorshe howleedka wasaaradda waxbarashada oo Muqdisho ka furmey

Muqdisho – (warsoor) – Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa maanta waxaa furay wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka, waxaana looga hadlayaa dib u habaynta qorshe hawleedka wasaaradda, kaas oo taabanaya dardargalinta samaynta manhajka waxbarasho ee dalka, muhiimad kala siinta hawlaha horyaala wasaaradda iyo tayaynta shaqaalaha wasaaradda.

Shirka oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee magaalada Muqdisho  waxaa ka qaybgalay hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, kuwaas oo mawduucyadaas ka faaloondoona labada maalin ee shirku socdo.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Maxamed,ayaa sheegay in wasaaraddu ay horyaalaan hawlo badan oo ay lama huraan tahay in gudashadooda loo istaago, shirkana uu qayb ka yahay fulinta howlahaas.

Faysal Cumar Guuleed, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ayaa isna sheegay in talooyinka iyo qodobada ka soo baxa shirkan ay ka qayb qaadan doonaan dadaalka lagu jihaynayo hawlaha wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, ayaa sheegay inay ka go’an tahay hirgalinta manhaj waxbarasho oo ka tarjumaya danaha iyo hiigsiga bulshada Soomaaliyeed, taas oo u baahan dadaal dheeraad ah.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.