Xog-hayaha Duulista Hawada Ee UCID Mudane Bashiir Xasan Xamari Oo Jawaab Culus Ka Bixiyay Hadaloo Iyo Eedo Raqiisa Oo Ka Soo Yeedhay Xisbiga WADDANI

Burco – (warsoor) –  Xog-hayaha Duulista Hawada Ee Xisbiga UCID Bashiir Xasan Xamari oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalda Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Masuul ka tirsan Xisbiga WADDANI oo eedo raqiisa kula dul-dhacay Xisbiga UCID iyo Hogaamiyihiisa Eng Faysal Cali Waraabe.

Xoghayaha ayaa mid-mid u dul istaagay eedihii Raqiiska ah, waxaanu ku nuuxnuuxsaday doorka Xisbiga UCID iyo Hogaamiye Faysal Cali Waraabe ku leeyihiin Qaranka, isagoo fartana ku fiiqay Hagardaamooyinka Xisbiga WADDANI.

Xoghaye Xamari ayaa eedo la taaban karo u jeediyay Xisbiga WADDANI,halka Xog-hayihii Shalay u hadlay Xisbiga WADDANI ay eedihiisa ahaayeen kuwo aan la taaban Karin .

Xog-hayaha Duulista Hawada Ee UCID Mudane Bashiir Xasan Xamari ayaa ugu horayn ka jawabay hadaladii ka soo yeedhay Xisbiga WADDANI Waxaanu yidhi, “Maanu jeclayn, khayr iyo tahajud ayaa la waday, in aanu cid la hadalno, Mar haddi laga fadhiyi-waayayay, annagana waxay nala noqotay, in wixii nagala gudboon in aanu ka nidhaahno, shalay waxaa uu warkiisu na soo gaadhay, Nin lahaa xoghayaha duulista ayaan ahay ee Xisbiga WADDANI hadalkiisii, Waxaan inanyahow ku sheegayaa adiga iyo Xisbiga WADDANI-ba, Faysal Astaamaha Qarankani leeyahay, Cadawgiisu Marka uu tilmaamayo, Calanka iyo Madaxweynaha Marka laga yimaaddo, waa astaanta ay meel walba kaga hadlaan Weeye Faysal Cali Waraabe, Waxqabadkiisii Waa la ogaaa, Dib u heshisiintiisi waa la ogaa, Hormuud-ka uu ka yahayna waa la ogaa,  Ninka astaanta noqday dalka looga biqi-maayo, horena loogama baqin ..,”

Xoghayuhe Xamari  isagoo sii wata hadalkiisa ayaa waxaa uu yidhi, “Hadalkaaga waxaa kale oo ku jiray Muuse iyo C/raxman ayaa tatamayaa, de in lanaga baqaa hadda uguma horaynoo, Horeba sidaas oo kale Ragbaa u baqay, Doorasho Diyaarbaanu u nahay, horena waan u galnay, immikana waan galaynaa, Midda kale waxaad illawsantahay C/raxman in uu ka soo aflaxay oo uu siyaasadda ku soo bartay Kursi Faysal-Fadhiisiyay, Gudoomiye Barlamaanna uu UCID ku noqday.

Geesta kale Xoghaye Bashiir Xasan Xamari ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Xisbiga WADDANI sidaa uu uga hadlay Hadalkii Gudoomiye Faysal ee ku saabsana dad-ka lagu caddibo xuduudaha Somaliland la wadaagto Ethopia iyo Jabuuti.

“Waxaa la yaabaa Faysal-ba maalin dhawayd Hadlo Wuxuu yidhi, Dadkayaga galaya Jabuuti iyo dadkayaga galaya Ethopia waa la dhibaaye, Dhibta ha laga daayo, Xisbi aad mooddo in uu addis-ababa iyo jigjiga ka masuul-yahay ayaa jawaab bixiyay, Waar goormay Magan-alle Dagaal Noqotay, Waar dadkayga Dhibta ha laga daayo, wax looga jawaabay iyo wax laga yidhi toona garan-mayno.

Ugu Danbeen Xog-haye Xamari waxaa uu Fariin u Diray Xisbiga WADDANI, Waxaanu Yidhi, “Waar –WADDANIYOW Umaddu way ku aragtaa, Nairobi ayay daraad ayay ahayd, Dp World iyo Saldhigga markuu arrinkoodii socday, BBC Doodi ay qabatay Somalia ayaa la safateen, Ninkii xamar ka yimid iyo ninkii uga dooday BBC Xisbiga WADDANI isku waddo ayay mareen, Waar WADDANIYOW adigu meel istaag, oo is caddee, Faysal Cali Waraabe 24-Saacadood-ba Reer Somalia way is haystaan, Waar WADDANI iyo Cadawgu Meel uu isku hayyo lama arage, Xaaladdu waa sidee, Waxaan kale oo aan sheegaya Cod-ka Cidda laga doonayaa Waa Reer Somaliland, Waar Codka la doonayaa Jigjiga Ma yaallo, Muqdisho-na ma yaallo ..,” Ayuu Hadalkiisa ku Soo Gunaanaday Xog-hayaha Duulista Hawada Ee Xisbiga UCID Mudane Bashiir Xasan Xamari.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee xoghayaha UCID:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.