Shir looga hadlayay amniga oo ka dhacay Baladweyne

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee Amniga deegaanada Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha Hay’adaha Amaanka, iyagoo la wadaagay xaaladda Amni ee magaalada Beledweyne iyo guud ahaan deegaanada Hirshabeelle.

Mr. Dabageed ayaa faray saraakiisha Ciidamada Amniga xaqiijinta Amniga Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo dhowaan ay ka dhicin doonaan Doorashooyinka Baarlamaanka.