Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho – (WARSOOR) –  Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa mudada uu socdo diirada lagu saaraya dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada  Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

HALKAN KA DAAWO WARKAN: