Shanta Darajo ee Qaangaadhnimo ee Siyaasiga iyo Taageerihiisa

Maxamed-Cali-BileDadku da’da uu ka qaangaadhaa oo marka uu gaadho 15 jir waxa la yidhaa waa qaangaadh ama waa doob ama gashaanti haddey gabadh tahay. Aqoonta waa laga qaangaadhaa oo marka uu qofku heer tacliimeed dhameystaba waxa la siiyaa shahaadadddii qaangaadhnimada aqoonta.

Siyaasaddana waa laga qaangaadhaa oo waxa la maraa heerar kala duwan:

  1. Waxa jira mar qofku maqlayo doodaha iyo hadalada siyaasadda ee dadku sheegayaan, balse aanu garaneyn waxan laga hadlayo iyo arinka wanaagsan iyo ka qaldan. Kaasi taagtiisu waa IDIN KALA GARANMEYNEE GUULEYSTA. Kaasi mucaawimo ayuu kaaga baahanyahay ee ardey ka dhigo oo wax uuga sheeg sida ay siyaasadda iyo hoggaanka dalku u khuseeyo nolosheeisa iyo ta reerkiisa.
  1. Waxa loo gudbaa heer uu qofku garanayo waxa laga hadlayo, balse aanu jecleyn inu talo ku darsado. Waxa qofkaasi ka maqan kalsoonidii uu ra’yigiisa ku gudbin lahaa oo waxa uu ka baqayaa tolow billaayo lagula yaaba ama waxa aad sheegeysaa aanu heer sare aheyn. Marka taladu qaldanto ayuu isaga oo guuxaya yidhaa “anigu waan sii arkayey in arinkaasi aanu hagaageyn”. Kaasi waxa la yidhaa XIL IMA SAARNA. Kaasi waa caajis isma lure ah oo u baahan inad caawiso oo sad jiiddo.
  1. Siyaasaddu waa wasakh. Adna qof fiican ayaad tahay oo dadku wey ku jecelyihiin. Bahashaa haddaad gasho waa lagugu nici ee xisbiyada ha gelin. Taa macneheedu waa siyaasadda iyo hoggaanka u daa dadka xun iyagu umadda ha xukumaane. Kaasi waa ISMA LURE. Kaasi waa qof isaga is heysta oo niyadiisa ay laba qof ku wada jiraan oo hoostana wax rumeysan ama wax k araba oo diidan halka aad martey balse caddeysan kari la’. Kaasi runta u sheeg oo ku dheh anigu wasakhdaasa ayaan dan moodee adiguse ha soo gelin hana ka hadlin. Isaga oo dhex boodaya ayaad arki muddo dabadeed oo weliba ku dhaafey.
  1. Waxa loo gudbaa heerka uu qofku si fiican u garanayo waxa uu qof kale ama xisbiga kale ama siyaasiga kale ku qaldanyahay, balse ma awoodo ama kalsooni kuma qabo inu sheego talada saxa ah ama siyaasadda saxa ah ee xisbiga uu ka tirsanyahay ama hawlwadeenka uu ka yahay ama uu taageero. Waa hawlwadeen ama taageere ama madax xisbi qaran oo u tartamaya xilka hoggaaminta dalka. Hadana haddaad dhageysato hadaladiisa ama waxa uu qorayo, mar keli ah ma sheegayo wanaagga xisbigiisu leeyahay iyo siyaasadaha uu ku maareynayo arimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada ee umadda. 90% wakhtigiisa waxa uu ka hadlayaa xisbi kale iyo siyaasiyiintiisa. Waa sida ay siyaasiyiin iyo taageeroyaal badani u badanyihiin. Qofka sidan ihi, waxa ay noqon kartaa inaanu fahamsaneynba waxa uu xisbigiisa hawlwadeenka uuga yahay. Waxa kale oo dhici karta inaanu heynba wax wanaagsan oo uu ka sheego xisbigiisa. Waxa ay aheyd inu 90% wakhtigiisa ka waramo xisbiga uu hawl wadeenka ka yahay ama uu taagersanyahay. Kaasi waxa la yidhaa QEYRU MAS’UUL. Haddaad la dodo, 3 goor wax ka badan hadalka ha isweydaarsanina. Uu kaa cadheysiinayaa oo uu kugu qasbayaa inad adna sidiisa oo kale wax af lagaadeyso, waana sidii uu rabey oo uu kaa badinayaa waayo hadalka qaloocani waaba xirfaddii uu ku takhasusey.
  1. Qofka siyaasadda sida fiican uuga qaangaadhey dadka uu qancin yaqaan. Waxa uu xusaa oo uu sheegaa waxyaabaha dadka ay iska soo horjeedaan ay ku fiicanyihiin, libintoodana ma qariyo. Takale siyaasiga qaangaadhey kama hadlo shakhsiga ee waxa uu ka hadlaa arinka markaa u baahan in laga hadlo. Siyaasiga qaangaadhey waxa uu soo jeediyaa talooyin wanaagsan oo dadka wax tar u leh oo laga yaabo qaarkood iney hayaan dadka ay iska soo horjeedaan. Siyaasiga qaangaadhka ihi waxa uu sheegaa libinta xisbiga ama siyaasiga ka soo horjeedaa leeyahay, balse waxa uu raaciyaa waxa ay siyaasadiisu kaga sii fiicantahay iyo sida uu u maareynayo arimaha adkaada. Siyaasiga qaangaadhka ihi, ma yidhaahdo aniga aniga ee dadka ku xeeran oo dhan ayuu geliyaa iney wada yihiin guulsameeyayaal, iyagaanu libinta siiyaa. Kaasi waxa la yidhaa SIYAASIGA QAANGAADHKA AH.

Waxa jira mid kale oo iyadu aan darajo aheyn ee ah casilaad. Waa qolo iyagu aan wax wanaagsanba sheegin, oo marka ay wax yari dhacaan suurta afuufa. Waa dad inta badan ceytama oo ku hadla hadalo ka baxsan xariiqda cas. Waa dad xuduud oo dhan soo jebiyey. Waxa dhacda in dadka qaarkii ay u riyaaqaan hadalada dadkaasi oo ay isaga dhigaan sidii oo ay taageersanyihiin. Balse, markey runi run timaado cidi wax uuma dirato oo qof dadka caayaa, adigana maalinta aad isqabataan uunbuu ku caayi. Kaasi waxa la yidhaa DIBJIR SUUDH XIDHAN. Ka fogow, ha u riyaaqin maalinta uu caayayo qof aanad adiguba jecleyn, waayo ma foga maalinta uu adigana kugu soo jeesanayaa.

 Maxamed Cali Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha

qorane.bile@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.