Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad oo Horumar iyo Isbedel ku Soo Kordhiyey Wasaaraddii Arimaha Dibadda

Soomaalida ayaa waxay tidhaahda“Geesi ilbuu diriraa” Dr Sacad Cali Shire wasiirka wasaaradda arimaha dibadda Somaliland oo kaashanaya khibradiisa,waayo ragnimadiisa iyo saaxiibadda uu ku leeyahay caalamka ayaa waxa uu mudadii koobneyd ee uu joogay wasaaradda Arimaha dibadda ku soo kordhiyey horumar dhinaca waxqabadka ah,horumarkaasi oo iskugu jira xidhiidhka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Somaliland iyo caalamka oo uu xoojiyey iyo dib u habeyn balaadhan oo uu ku sameeyey hanaanka ay wasaaraddu u shaqeyso,Wasiir Sacad ayaa bilawgii xilkiisaba waxa uu sameeyey xidhiidho waaweyn oo uu la yeeshay dawladaha Somaliland la saaxiibka ah kuwaasi oo uu kala hadlay sidii Somaliland beesha caalamka uga heli lahau sii wanaagsanaan lahaa,Dr Sacad Cali Shire wuxuu wanaajiyey oo uu sii xoojiyey xidhiidhkii Somaliland iyo caalamka ka dhaxeeya,wuxuu booqasho ku tegay wadamada jaarka isagoo la kulmay madaxda wadama jaarka oo uu kala xaajooday xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo dalalka jaarka ka dhaxeeya,Wasiirku waxa uu kulan saacado qaatay la yeeshay madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ay ka wada hadleen xidhiidhka ganacsi,amni,siyaasadeed iyo isku socota labada dawladdood,kulanka uu Dr Sacad Cali Shire wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland la yeeshay Madaxweyne Geeelle wuxuu ku dhamaaday guul iyo is afgarad labada dawladood ah,intii uu booqashada ku joogay Wasiir Sacad dalka jabuuti wuxuu xadhiga ka jaray xarun cusub oo safaaradda Somaliland ku leedahay jabuuti oo qaab casri ah oo la jaanqaadasa dhismayaasha safaaraddaha kale ee caalamku ku leeyahay jabuuti oo kale,safaaradaasi jabuutina waxay u shaqeysa si heer sare ah.

sacad-cali-shireGeesta kale waxa uu wasiir Sacad booqashooyin ku tegay dalalka itoobiya iyo Kenya oo labada dalka uu la kulmay madaxdooda,waxana uu kala hadlay xoojinta iyo adkeynta xidhiidhka Somaliland ka dhaxeeya labadaasi dalba,iyadoo xidhiidh qoto dheeri ka dhaxeeya dawladahaasi iyo Somaliland,sida dalka itoobiya oo ah dal Somaliland ay xidhiidh ganacsi,amni iyo siyaasadeedba ka dhaxeeyaan,safaradaasi oo wasiirka Arimaha dibadda Somaliland ku tegay dalalkaasi jaarku waxay ku dhamaadeen guul balaadhan,sidoo kale wasiirka ayaa safaro ku tegay wadamo kale oo Somaliland ay xidhiidh wanaagsan leeyihiin safaradaasi uu wasiirka arimaha dibaddu ku tegay dalalka Somaliland la saaxiibka ah ayaa waxay keeneen guulo waaweyn oo la taaban karo,hadaba dadaalka weyn ee uu wasiir Sacad ku jiro ayaa waxa loo baahan yahay xukuumad iyo shacabba in gacan laga siiyo ileyn hore ayaa loo yidhi Gacmo wada jirbay wax ku qoyn karaan,marka waxa muhiim ah dadaalka siyaasadeed oo wasiirka arimaha dibaddu caalamka ka iibinayo in lagu garab galo,iyadoo maanka lagu hayo jilaafooyinka badan ee Somaliland cadawgeedu la maagan yahay,marka Somaliland waxay uga dhigan tahay Nin lagu seexdow ha seexan.

Geesta kale markii Dr Sacad Cali Shire loo magcaabay wasiirka wasaaradda arimaha dibadda waxa uu bilaabay in uu dib u haben shaqo ku sameeyo wasaaradda iyo safaaraddaha Somaliland ku leedahay aduunka,iyado wasiir sacad faray dhamaan masuuliyiinta wasaaradda iyo safaaradaha inay la yimaadaan shaqo ku dhisan isla xisaabtan iyo waxqabad waana sababta xiligan loo dareemay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo horumarineed ee wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland.

Qore: Cali Maxamed

Email:cali231@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.