Ra’iisul wasaare Kheyre oo Kormeer ku tagay Dekada Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay Dekada Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan Ra’iisul wasaaraha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u kuur galay sida ay u socdaan hawlaha kala duwan ee Dekada Magaalada Muqdisho, isagoona kulan la qaatay maamulka Dekada oo ka warbixiyay hawlaha socda.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa balanqaaday inay la dagaalami doonto musuq maasuqa, waxayna booqashada Ra’iisul wasaaraha qeyb ka tahay inuu la socdo dhaqaalaha ka soo xarooda dekada Muqdisho.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.