Wasiirka Xanaanada xoolaha oo la kulmay madaxa Bankiga horumarinta Islaamka

Sucuudi Carabiya – (warsoor) – Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudi Carabiya ayaa wuxuu kulan kula qaatay magaalada Jeddah Madaxa Bankiga horumarinta Islaamka Dr. Bandar Mohamed Hamza Haja.

Kulankaan oo labada masโ€™uul kaga wada hadleen xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya bankiga Islaamka iyo dowlada Soomaaliya gaar ahaan horumarinta xoolaha iyo maalgashiga.

Sida la wada ogyahay Soomaaliya waxay udub dhaxaad u tahay barnaamijka Hadyiga iyo Adaaxida ee xoolaha laguย  qalo xajka uuna fuliyo Bankiga horumarinta Islaamka. Bankiga wuxuu balan qaaday inay Soomaaliya sii ahaan doonto udub dhaxaadka barnaamijkan.

Sidoo kale, labada masuul waxay isku afgarteen in la hormariyo tayada, shaqada iyo agabka wasaarda Xanaanda Xoolaha iyadoo lagu salaynayo Qorshaha Hormarinta Qaranka (QHQ) isla markaana Bankiga wuxuu ka mahad celiyay wada shaqaynta Soomaaliya gaar ahaan baahida ay Soomaaliya u dabooshay martida Alle, taas oo Soomaaliya sanadkasta kaga qayb qaadato in ka badan Hal (1) malyan oo neef.

Sidoo kale, waxaa kulanka diirada lagu saaaray sidii loo kobcin lahaa u adkeysi Soomaaliya u leedahay abaaraha, Bankigana wuxuu hoosta ka xariiqay u diyaar garowgii.

 

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.