Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray Kedis ah Ku Sameeyey Lix Wasaaradood

Muqdisho – (warsoor) -Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, kalluumaysiga, Haweenka, Ganansiga, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeerka sameeyay Subaxnimadii hore ee Maanta ayaa tegay waaxyada ay ka koobanyihiin wasaaradahaasi, isaga oo shaqaalaha iyo agaasimayaasha ka xog-waraystay hannaanka shaqooyinku ay u socdaan.

Kormeerka oo qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ah ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee Dowladda ayuu u jeedkiisu ahaa adkaynta isla xisaabtanka ee ku salaysan daah-furnaanta iyo hufnaanta hay’adaha Dowladda.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.