Madaxweyne Farmaajo oo khadka Telfoonka kula hadlay dhiggiisa Uhuru Kenyatta

Muqdisho – (warsoor) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dowladda Kenya iyo shacabkeeda ugu tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii Talaadadii ka dhacay Dusit2d hotel ee magaalada Nairobi.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka uu ku leeyahay madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku sheegay madaxweyne Farmaajo in uu khadka telfoonka kula xiriiray madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta,una muujiyay in ay Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii la isaga kaashan lahaa ciribtirka falalka argagixisanimo.

Weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas ayaa Talaadadii lagu qaaday Dusit2d hotel  kaas oo geystay khasaara gaaraya ilaa 21 qof,19 kale waa la la’layahay,iyadoo 700 oo qof laga soo badbaadiyay weerarkaasi sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda Kenya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.