Madaxweyne Muuse Biixi oo Tacsi U Diray Ciidamadda Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeย Marxuum Gashaanle sare Yuusuf Cabdi Oday oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 17/01/2019, Magaalada Hargeysa.ย 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sarkaal waayo arag ah oo ka baxay Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dib  u xorayntii dalka, iyo dib u dhiskii ciidamada Booliska Somaliland oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, wakhtigiisa iyo cimrigiisana waxa uu geliyey sidii dalku u yeelan lahaa ciidan kaafiya baahiyaha shacbiga kuna nastaan adeegooda.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

Aamiin Aamiin Aamiin

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.