Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Xadhiga Ka Jaray Xafiisyo Cusub oo Xisbigaasi Ka Furtay Degmada Axmed Dhagax

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa xadhiga ka jaray xafiisyo cusub oo xisbigaasi uu ku yeelan doono degmada Axmed Dhagax iyo weli ba sida oo kale xaafadda Haaf London ee Hargeysa.

Xadhiga ka jaristan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, siyaasi Cabdi Haybe, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, xildhibbaan Mataan Hoori, xoghayaha guud ee xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Xoghayaha Maaliyadda WADDANI Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif iyo weli ba sida oo kale taageerayaal iyo saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI oo aad u tira badan, waxaana madashii xadhig ka jarista oo aad u bilneyd ay taageerayaashaasi caleemo qoyan ku qaabileen guddoomiye Cirro iyo saraakiisha la socotay ba.

DAAWO Muuqaalka Warkan:

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap