WAR-SAXAAFADEED: Baaqa Loo Jeedinayo Jaalliyadaha Somaliland Xuska 18 May 2017

Hargeysa – (warsoor) – Sannad-guurada 26aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland 18 May 1991, waxa ay ku soo beegantay sannadkan 2017 xilli dalkeennu ku jiro abaar laba jirsatay oo saamayn weyn oo taban oo dhaqaale, bulsho iyo deegaanba ku yeelatay dalka guud ahaan, gaar ahaanna barakac iyo caydh dhaxalsiisay  laf dhabartii dhaqaale ee dalku lahaa –  waa bulshadeennii xoola dhaqatada ahayde.

Xuska Qaran ee 18 May 2017, waxa aynu u oogaynaa sannadkan sidii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuna magacaabay Gudida 18 May ee Kasoo Kabashada Abaaraha iyo Taakulaynta Dadka Barakacay, iyo sidoo kale Wareegtadii heer Wasaaradeed iyo lIfaaqqii la socday ee aan idiin soo gudbinay oo intaba ay sannadkan udub dhexaad u tahay dhaqaale u ururinta ka soo kabashada abaaraha iyo taakulaynta dadka ku tabaaloobay.

Hay’adda Qurba-joogga Somaliland waxay ku dhiirrigelinaysaa, ku boorrinaysaa, oo ku adkaynaysaa dhammaan jaalliyadaha sharafta iyo karaamada leh ee qurbajoogga Somaliland ee wadamada caalamka ee ku sifoobay danjirenimada, deeqsinimada, daacadnimada, dadaalka iyo kartida, hiil iyo hoo ay dadkooda iyo dalkooda usoo gurmadaan, garab istaagaan oo gacan siiyaan markasta oo marxalad adag lagu jiro; inay xuska qaran ee sannadkan 18 May 2017 uga faaiidaystaan fursad dhaqaale ururineed aan ku taageerno kaalinta innagaga beegan sidii loo fulin lahaa Mashruuca Ka-hortagga Abaaraha & Taakulaynta Dadka ku Barakacay ee reer Somaliland.

Walaalayaal, waxa aan qirayaa culays badan oo idin saaran iyo duruufaha idiin gaarka ah, balse hadana xaaladda maanta taagani waa mid aynaan u kala hadhi karin, ee isku tashada, iskaashada, oo wadankasta oo aad joogtaan u midooba inaad soo ururisaan qaadhaanka inta la idinku qaybiyay 27 jaalliyadood oo qadarkeedu dhanyahay US$ 660,000 sida faahfaahinteeda aannu wargelinnay dhammaan gudiyada jaalliyadaha Somaliland, Ilaahayna ha idiin fudaydsho.

Waxa aan rajaynayaa inaad dhammaantiin u gudan doontaan xilka iyo waajibka idinka saaran inaad u qabataan munaasibadda xuska 18 May 2017 ee wadamada debadda sida uu qorshuhu idinku soo gaadhay leh barnaamijyada debadbaxyada (Demonstrations) aad ku muujinaysaan rabitaankeenna, gudbinta dhambaallada codsiga ictiraafka, kulamada qaabilista (Receptions) isticmaalka warbaahinta (Media Exposure) iyo qabashada xafladaha qaadhaan ururinta (18 May Fundraising Events) oo iyada taasi tahay mid jaalliyad waliba wadayso inta ay ka gaadhayaan kharashka lagu qaybiyay illaa 26 June, 2016 haddii Alle Idmo

“Halku-dheggeennu waa debbaal-degga Maydan, aan ku daryeello dadkeenna”

 Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Guddoomiyaha Hay’adda Qurba-joogga Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.