Hargeisa – (warsoor)-Maxkamada Hargeysa ayaa goor dhaweyd waxay soo gaba gabaysey gal Dacwadeed Xukumadda Somaliland ku soo oogtay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudo laba Bilood ahba ku xidhnaa jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa.
Maxkamadda Hargeysa ayaa ku dhawaaqday in Wariye Cabdimaalik ay ku riday Xukun labo sano oo xabsi ah.
Wariye cabdimalik ayaa ku doodayay in uu xukunkiisu ka yar yahy inta ay maxkamdu ku xukumtay waa sida uu filaayay, waxa kale oo ka hadlay xukunka lagu riday cabdimalik helkiisii iyo qaraabadisa iyagoo sheeegay in ay xukumka maxkamada ay Racfaan ka qaadandoonan.
Marka dhinaca sharciga iyo qaanuunka xeer ciqaabeedka jamuuriyada somaliland waxa uu dhigayo la eego waa sidan, in hal-sano hadi uu ka bato aan la iibsan karin , waxaa ka liya ee wariye coldoon ku soo bixi kara in uu yahy cafis madaxweyne oo kaliya.
This post is also available in:
Somali