Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (caddaani) ayaa ka warbixiyey kulan ay la qaateen madaxda idaacada BBC-da ee Bariga iyo Badhtamaha Afrika.
Wasiirka ayaa sheegay inay Laanta BBC-da u gudbiyeen cabasho ka dhan ah laanta afka Somaliga ee BBC-da oo uu wasiirkku sheegay in aanay dhex ka ahayn arimaha Soomaalidda, doodaheeda, barnaamijyaddeeda iyo wararkeeduba ay yihiin kuwo dhinac ka raran.
Halkan ka daawo Wasiir cadaani oo sharaxaya arimihii ay ka wadda hadleen madaxda BBC-da iyo nuxurka cabashadda xukuumadda Somaliland ee ka dhanka ah laanta afka Soomaaliga ee BBC-da:
This post is also available in:
Somali