Shirkadda TEC oo Abaal-marino Gudoonsiisay Shaqaalaheedii Hawl-karinimadda Muujiyey Sanadkii 2016

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Laydhka Telesom ee TEC ayaa habeenimadii Jimcaha huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa ku qabatay xafladan ay ku abaal-marinayso shaqaalaheeda hawl-karnimadda iyo dadaalka muujiyey sanadkii la soo dhaafay ee 2016.

Xafladan abaal-marinta shaqaalaha shirkadda TEC waxaa ka soo qayb-galay maamulka guud ee shirkadda TELESOM GROUP, maamulka iyo shaqaalaheeda shirkadda TEC iyo marti-sharaf kale oo ka socday bulshadda qaybaheed kala duwan.

Shirkadda Laydka TELESOM ee TEC ayaa abaal-marino iskugu jiraa lacago iyo shahaadooyin guddoonsiisay shaqaalaha weynaha shirkadda ee ka hawl-gala dhamaan goboladda dalka oo dhan. Waana xafladdii ugu horaysay ee shirkaddu u qabtay shaqaalaheeda tan iyo markii shirkadda la aasaasay sanadkii 2014.

Ugu horayn waxaa xafladda abaal-marinta shaqaalaha shirkadda TEC ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka shirkadaasi Md. Badri Xasan Muxumed waxaanu ka warbixiyey xaaladda ay shirkaddu ku sugan tahay, waxaanu yidhi, “Shirkadda Laydhka Telesom waxa la odhan karaa waa shirkadda ugu balaadhan deegaan ahaan Somaliland marka la eego, goobaha ay dagan tahay, iyadda oo degan min ilaa Saylac, Lawyacaddo, Xariirad, Boon, Boorama, Wajaale, Gabiley,  Arabsiyo, Hargeysa, Sheekh, Buuhoodle, Widhwidh, Xudun, Oodweyne, Xaaji Saalax iyo Ceel-afweyn. Markaa waa shirkadd aad u balaadhan meelo badanna dabka ka bixisa”.

Md. Badri Xasan Muxumed ayaa ugu dambayntii xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay diiri-galiso tartamayaasha ku tartamaya suuqa korontadda xorta ah, si bulshadda loogu daneeyo oo ay bulshaddu u helaan laydh jaban oo amaankiisa iyo tayadiisuba ay dadweynuhu si weyn uga faa’iidaan. Faa’iidooyinka laga helaayo suuqaa xorta ah ayuu gudoomiye ku-xigeenku ku sheegay inay ka mid yihiin: Shaqo abuur ay bulshaddu ka helaan, dhaqaalaha dalka oo ku kobcaya, bulshadda oo laydh awood iyo tayo leh ka helaya, bulshadda oo ka badbaadaya suuq kooto lagu haysto oo qofku waayo meel uu ku nafiso, si xor ahna adeeguu u baahan yahay uga helo.

Gudoomiyaha shirkadda Laydhka Telesom ee TEC Eng. Muuse Cali Cige ayaa ka hadlay ujeedda xafladdda abaal-marinta ee shaqaalaha TEC loo qabtay, waxaanu yidhi, “Xafladdani waa xaflad aynu u qabanay in aynu is xasuusino wixii shaqo aynu soo qabanay oo aynu isugu mahadnaqno. Muhiimadda aynu isugu nimid waxaa weeye inaynu nidhaahno raggii dadaalka badnaa waad mahadsan tihiin, raggii kale ee laga yaabo inay waxoogaha dhaliilo ah ku yimaadeen inaynu nidhaahno iyagana idinna soo dadaala, intaynu isugu nimid waa intaa”.

Eng. Muuse Cali Cige ayaa shaqaalaha weynaha shirkadda TEC ku dhiiri-galiyey inay shaqaaluhu shirkadda u dadalaan, la shaqaystaan una arkaan shirkadda shirkadd ay iyagu leeyihiin, taas ayaanu sheegay in ay tahay ta guusha lagu gaadho.

Agaasimaha Qaybta Horumarinta Arimaha Bulshadda ee shirkadda TELESOM Md. Cabdiwahaab Maax ayaa ka hadlay xafladan lagu abaal-mariyey shaqaalaha TEC waxaanu u hambalyeeyey shaqaalaha la abaal-mariyey, waxaanu ku dhiiri-galiyey inay dadaalka sii kordhiya waxaanu yidhi, “Inta caawa halkan abaal-marinta lagu siinayo iyo inta aan la siininba waxaad ogaataan in dhamaantiin aad guulaysateen. Waxaanu qaadanaynaa odhaahda odhanaysa ‘badiyaaba waa bahdeena’. Inta guulaysatay waan u hambalyeynayaa inta aan guushaa la wadaanina ee aan halkan caawa laga xusi doonina waan u hambalyeynayaa”.

Eng. Faarax Sugaal Guure oo ah maamule ku-xigeenka Hawl-galiyaha guud ee shirkadda oo ku hadlayaa afka shirkadda TELESOM ayaa shaqaalaha shirkadda TEC ku hambalyeeyey abaal-marinaha la guddoonsiiyey, waxaanu yidhi, “Arintatan aanu caawa u fadhino waa xaflad abaal-marin, waa xafladan mahadnaq, shaqaalihii shirkadda ee soo shaqeeyey sanadka. Shaqaaluhu wuu wadda shaqeeyey, waala wadda dadaalay, nin walba doorkiisuu qaatay. Haddana si dadaalka loo sii kordhiyo waa in qayb inaga ka mid ah la yidhaahdo aadbay ugu fiicnaayeen, macnaheedu maaha inta kale waxba may qaban. Laakin waxaa weeye si sanadka dambe loo dadaalo oo shaqo fiican loo qabto. ”

Xafladdan abaal-marinta shaqaalaha shirkadda Laydhka Telesom ee TEC waxaa iyaguna ka hadlay Jamaal Sheekh Cabdi Yuusuf Injineerka guud ee shirkadda TEC, Cabdi Idiris Axmed maamulaha TEC Borama, maamulaha mashaariicda Telesom Yaxye Iid Dhimbiil, waxaanay masuuliyiinta ay ugu horayn hambalyo u direen shaqaalaha la abaal-mariyey ee shirkadda TEC, waxaanay ku dhiiri-galiyeen inay sii laban laabaan dadaalka iyo shaqadda wanaagsan ee ay shirkadda ka dhex hayaan.

Shirkadda TEC ayaa la aasaasay 2014-kii waxanay shirkaddu adeeg laydh oo qiimihiisa iyo tayadiisa aad loogu bogay ka fulisaa dhammaan goboladda dalka oo dhan. Shirkadda TEC ayaa bilowday dardar ay ku sii tayeynayso adeegyadda laydhka ee ay bixiso. Shirkadda TEC ayaa 3-dii sano ee ay jirtay waxay iibsatay shirkaddii laydh ee SOLTELCO, Africa Online iyo shirkaddo tiro badan oo laydhka ka shaqayn jiray, waxaanay dib u casriyeen balaadhan ku samaysay qalabkii ay ku shaqayn jireen shirkaddaasi.  Shirkadda TEC ayaa balan-qaaday inay bulshadda ka haqab-tiri doonto adeegga laydhka oo ay soo kordhin doonto adeegyo laydh oo ku cusub dalka wakhtiga dhow ee soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.