Beeshii Axmed Muumin Seed oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuustay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI

Boorama – (warsoor) – Hadhimo sharafeed si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana ay Odeyaasha, wax-garadka iyo madax-dhaqameedka ka soo jeeda beesha Habar-carfaan ay ku casuumeen Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Rays ee Boorama.

Kulankan hadhimo sharafeedka ah oo ay ka soo qeyb-galeen Murashaxa Madaxweynaha iyo ku xigeenka xisbigaasi, kaadiriyiinta xisbiga iyo weli ba masโ€™uuliyiin tira badan, ayaa ujeedkiisu daarnaa taageero ay beesha Habar-carfaan u muujinaysay Xisbiga WADDANI, waxaana ay tilmaameen in ay ahaayeen aas aaseyaashii Xisbiga isla mar ahaantaana aanay marnaba dhici karin in ay ka baxaan xisbigaasi, waxaana ay fariin u direen siyaasiyiin ay sheegeen in ay marin habaabinayaan shacabkaasi.

Murashaxa Madaxweynaha oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isla mar ahaantaana uu odeyaashaas uga mahad-celinaayo qado-sharafta ay ku maamuuseen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.