Mashaariic cusub oo muhiim ah oo laga dhagax dhigay Degmada Lafo-ruug

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa magaaladda Lafa-ruug ee gobolka Saaxil laga dhagax dhigay 4 mashruuc oo ay xukuumadda Somaliland doonayso inay ka hirgaliso, xafladan dhagax dhiga oo ay ka qayb-galeen masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan ayaa ka qabsoontay isla Lafa-ruug.

Wefti uu hogaaminaayo wasiirka ganacsiga Somaliland Md. Cumar Shucayb iyo masuuliyin kale oo ka tirsan xukuumadda dhexe iyo ta heer gobola ayaa khudbado ka jeediyey goobta lagu qabtay munaasibadda dhagax dhigay, waxaanay sheegeen in horumarinkani yahay ka xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE ay dalka ku hogamaaniyaan.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Md. Cumar Shucayb oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay munaasibadii loo qabtay dhagax-dhiga mashaariicdan laga hirgalinaayo Lafa-ruug ayaa sheegay marka la dhamaystiro mashruuca MCH-ka Lafa-ruug inuu bixin doono dhamaan qalabka MCH-ka ku baxaya.

Qaarka ka mid ah masuuliyiinta iyo madax-dhaqameedka deegaanka Lafa-ruuga ayaa xukuumadda uga mahadnaqay mashaariicdan ay ka dhagax-dhigtay degmadda Lafa-ruug.

Halkan ka daawo warkan oo aan ka soo xiganay Somaliland News Agency:

https://www.youtube.com/watch?v=4SsV9FWi1Rg&feature=youtu.be

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.